Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn oo siyaasadeed ayaa ka dhalatay kala tegga xubnaha mucaaradka, kadib markii xalay xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ay is-casileen, kuwaas oo kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle.
Afartan nin ayaa mowqifkooda ku shaaciyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Madasha Samatabixinta, iyagoo caddeeyay inay furanayaan xisbiyo siyaasadeed.
Sidoo kale, masuuliyiinta ka baxay Madasha ayaa horay loogu xamanayey inay si hoose heshiis ula gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tuhunkaas ayaa sii xoogeysanayay intii ay socdeen kulamadii ugu dambeeyay ee wada xaajoodyada dhex marayay madaxda dowladda federaalka iyo Madasha Samatabixinta.
Is-casilaadda siyaasiyiintan ayaa ku soo beegantay, iyadoo maanta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka uu shaaciyay inuu muddo labo todobaad ah dib u furay is-diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha.
Kala tagga mucaaradka ayaa muujinaya sida Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga guuleystay xubnihii hore u lahaa culayska siyaasadeed, isla markaana uu ku guuleystay inuu kala furfuro mucaaradka. Kala-jabka mucaaradka ayaa sidoo kale dhiirigelinaya qorshaha Xasan Sheekh ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, maadaama siyaasiyiintan ay ku biireen safka ururrada diyaar-garoobaya doorashada.
Hadda sidee looga fal-celiyay burburka ku yimid Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed?
Diini Weli: “Mucaaradka asalka ah ha isku soo haraan. Kuwa FAKE-GA AH Villa Somalia HA ISKA XAADIRIYAAN”.
Cabdi Mahad Agdage: “Ragii ugu macquulsanaa ayaa isaga huleelay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed”.
Garyaqaan Maxamed Saalax: “Kuwani waa danley siyaasi ah horayna sidaasay ayay u ahaayeen”.
Daahir Aruush: “Kuwaan Madaxweyne uma socon kumana jiro mid u tartamay 2022 hogaanka dalka”.
Maxamed Cumar: “Afartaan awalba saamayn iyo miisaan ma lahayn qadada haddii lasiiyo waa iska tagayaan”.
Shariif Sheelare: “Meel Shariif Xasan Sheekh Aadan ka baxay haddii aad aragto dhib baa Jira”.
Maxamed Cali: “Lacag nin diiida la waayee diiinleeya cadale diiinleeya cadale”.