Fal-celin xooggan oo ka dhalatay is-casilaada Huruuse

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa maanta ku dhowaaqay inuu is casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland.

Is-casilaadda Huruuse ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, kadib markii qoraal uu soo saaray ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, uuna hadda kadib diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Siyaad Shaafici: “Maah-maah: Miro gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo, waxaan ka baqayaa in aad wasiirnimadii iyo madaxweyne maamul-goboleed weyso.”

Axmed Xasan Xaaji ayaa waxa uu yiri “Waxay ila tahay waa go’aan geesinimo leh wallow ay jirto maah-maahdii ahayd miro gunti ku jira mira geed saaran looma daadiyo. Hase yeeshee waa geesinimo kalsooni xoogani ka muuqato.”

“Ina adeer sooma ogid in aan Puntland laga ogoleyn qof dowladda dhexe ay riixeeyso. Xilkaada maad iska heysatid Jaalle Wasiir,” ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Cabdifataax Axmed ayaa isna waxa uu yiri “Wasiir waxaaba geesinimo ah in aadan xaydha jecli beerka jecli aadan samayn sidii raga qaybtii sanadka sameeyeen iyaga oo gacanta midig wax ku haysta ay bidixda wax kale ku doonteen.”

Cabdullaahi Soofe: “Miro guntigaaga ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo inadwr waa deg-degtay adoo xilkaga haysta ayaa la rabaa inaad raadsato hanka kugu jira, inkasto warar hoose sheegayeen inadan ku qanacsanayn shaqada wasiirka arrimaha dibada oo aad u ma madax bananayn.”

“Waxaad isku diyaarineysa inaad Puntland dumiso, xilkan xil ku dhamo ma lahan,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdiraxmaan Saciid.

Cabdixakim Saciid Arax ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Guul iyo gobonimo waa dadaashay inta xilka haysay, cuna-qabateyntii hubka in laqado waa ku dadaashay.”

“Aad ayaan uga naxay go’aankaas tuntii anigoo fahamsan sababta hadana intii Huruuse xilka hayay waxaan marag ka aheyn siyaasad arimo dibadeed degan oo waxtarna u aheyd dowladnimadeena,” ayuu yiri Dhageey oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Cabdifatah Xareed: “Nasiib iyo mustaqbal wanaagsan ayaa kuu rajeynaa mudane Wasiir.”

Cawaale Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Adeer wasiir waad is dadajisay, Puntland wax ba ka soo qaadi mayside, armay kuu fiicnan lahayd in aad wasiirnimadaada ka sii bariisaysid. Khayr waa iska imanayaaye.”

“Shaqo wanaagsan ayaad qaranka u qabatey waxan rajeynayaa in deegzankaga Puntland kugu aaminan kalsoonida si aad u hormariso,” ayuu yiri Sakariye Fante.