Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa dhalatay tallaabo culus oo uu shalay qaaday Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu muddeeyay gogoshii uu horay u dhigay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025, ayaa jimcihii shalay casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wadatashiga Qaranka.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri: “Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May), ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimada qaranka iyo sidii wadajir loogu dhammeystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horrayso xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.”
Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda loo diray dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe. Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in uu casuumo Axmed Madoobe.
Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.
Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh?
Cali Faa’id: “Baaqu wuxuu iila muuqdaa mid aan hirgal ahayn ilaa casuumaad toos ah loo kala dirayo madaxda Dawlad Gobaleedyada oo uu kujiro Madaxwaynaha Jubbaland”.
Cabdirashiid Muxumed Cali: “Kuwiii badnaa ee dhahay Xasanoow waa ogolnahay inaa na wacday ee mucaaradka ahaa jab baa ku dhacay”.
Cabdicasiis Barqash: “Deni iyo Axmed Madoobe sidaas kuma imanayaane odayga xal kale hala yimaado”.
Cali Huurshe: “Shaqo wacan Mudane Madaxweyne dalka Doorasho Qof iyo Cod ah gali waliba degmooyinka ay suurtagalka ka tahay”.
Cabdifitaax Jubba: “Wax walba oo la’isku hayo waxaa ka daran khawaariijta. Madaxwayne waad ku mahadsantahay in aad garatay in loo midoobo si wadajir ah na loola dagaalamo”.