28.1 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka ay Puntland ka qaadatay maamulka SSC

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aan culus oo Puntland ay ka qaadatay dhismaha SSC-Khaatumo, waxaana gebi ahaanba ay meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu eedeeyay Dwoladda Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.

Bayaankan oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay Dowladda Federaalka aqoonsatay maamulka SSC, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.

Puntland ayaa si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in sida ku cad qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Maamulka, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, sanadkii 1998-dii.”

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka kasoo baxay Puntland?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankan ayaa sheegay in Puntland aysan bixin karin aqoon maamul ee ay tahay cidda bixineyso Dowladda Dhexe, isla markaana go’aankeeda uu yahay waxba kama jiraan.

Daacad Soomaali: “Puntland ma dowlad iyadu maamul-gobaleedyada aqoonsi siisaa?”.

Maxamuud Kaahiye: “Puntland hada kohor 2015 waxay tiri Galmudug ma aqoonsanin tii ka raacday waa la ogaa”.

Faatima Fu’aad: “Masayrka ha layska yareeyo yaa aqoonsi idinka doonaya?”

Rooble Cabdullahi: “Maamulka Garoowe isagaa aqoonsi u baahan oo magaalo yar isku soo ooday dad tashaday inaad daba joogtaan waxaa idiinka wanagsan inaad danihiina qabsataan”.

Nuur Maxamed Xasan: “Ummadaa nabad galsha maamul walba marka la dhisayo maxa dhibaato ugu qabtaan?”

- Advertisement -

Read more

Local News