Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si adag uga falceliyay war-saxaafadeedkii Puntland ee ay ku diidday jiritaanka maamulkaasi, iyadoo ku eedeysay Puntland inay ku xadgudbayso rabitaanka shacabka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Bayaan uu ku saxiixan yahay musharraxa madaxweynaha ee Dowladda SSC-Khaatumo, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kana mid ah aas-aasayaasha maamulka, ayaa lagu sheegay in maamulku uu ku dhashay rabitaanka shacabka, kaddib go’aan ay si xor ah u qaateen 6-dii Febraayo 2023, iyagoo maray hannaan bulsho iyo mid wada-tashi oo ku saleysan xornimo iyo nabad.
“Dhismihii maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ahaa mid si buuxda u metelaya rabitaanka shacabka deegaanka, waxaana si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi Risaaq Khaliif.
Wuxuu si cad u dhaliilay warqaddii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ku beegnayd isla 16-ka Luulyo, taasoo uu ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo liddi ku ah jiritaanka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay inay si toos ah uga hor imanayso go’aankii taariikhiga ahaa ee shacabka deegaanka.
Bayaanka ayaa tilmaamay in Puntland laga filayay inay garab istaagto rabitaanka shacabka walaalaha ah ee SSC-Khaatumo, maadaama ay wadaagaan dhiig iyo dhalasho, balse taa beddelkeeda ay qaadday mowqif ka dhan ah baaqii shacabka.
“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Puntland inay dib u eegto mowqifyada ay qaadaneyso, kuna saleyso xaqiiqada dhabta ah iyo dareenka dadka deegaanka,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.
SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyn ugu yeertay Puntland in khilaafka jira aan loo adeegsan wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka dadka wada deggan gobolladaas, iyadoo ugu baaqday in xal kasta lagu raadiyo wadahadal iyo is-qancin.
Diidmada Puntland
Goor sii horeysay, dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.
Bayaankan, oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay Dowladda Federaalku aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.
Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda ku billowday xusuusin taariikhi ah, iyadoo sheegtay inay “soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii” ayna “qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay magaalada Laascaanood.”
Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in sida ku cad Qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Puntland, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, sanadkii 1998dii.”
“Sidaas awgeed, go’aan kasta oo lagu beddelayo maqaamka deegaannadaas waa inuu sifo sharci ah u maraa,” ayey tiri. Puntland waxay shuruud uga dhigtay in marka hore “wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.”
Iyadoo taas laga duulayo, bayaanka ayaa lagu go’aamiyay qodobkan xasaasiga ah: “Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan reer Puntland, gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.”
Dagaalkii Dhahar
Bayaanadii is-diidanaa ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee u dhaxeysa labada dhinac, iyadoo dagaallo culus ay Talaadadii iyo Arbacadii ka dhaceen degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.
Boqollaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ah xudunta dagaalka. Magaalada ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay kaddib markii ay odayaashu soo dhex galeen, balse xaaladdu weli waa ay cakiran tahay.
Ilo-wareed ayaa sheegay in dagaalkii Talaadada uu ka dhashay muran la xiriira waddo ay ciidamada Puntland qorsheynayeen inay isticmaalaan. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas.
Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Dhahar, kaddib markii ay halkaas ku kala hortageen ciidamadeeda iyo kuwa maamulka Maakhir oo ku dhawaaqay inuu ku biirayo SSC-Khaatumo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka Dhahar uu sababay dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana uu ahaa weerar “lagu soo maleegay Xamar” oo ay fuliyeen maleeshiyaad sharci-darro ah.
Puntland waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda Federaalka inay wado “faragelin toos ah” oo liddi ku ah amniga Puntland, isla markaana ay garab siineyso SSC-Khaatumo si loo wiiqo midnimadeeda dhuleed.

