Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay warsaxaafadeedka ay mar kale Puntland kasoo saartay markabka hubka sida ee ay ku qabsatay xeebaha bari ee maamulkaasi, kadib markii ay kasoo dabacday sidii hore ee ad-adeegga badneyd.
Madaxtooyada Puntland ayaa mar ka hore si rasmi ah uga jawaabtay hadalkii kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku eedeysay in Puntland burcad-badeednimo kula kacday markabka MV Sea World, iyadoo sheegtay in eedeyntaasi tahay mid “degdeg ah oo aan sal lahayn” maadaama baaritaanku weli socdo.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani, ayaa akhriyey war-saxaafadeedka oo lagu caddeeyey in Puntland ay la xiriirtay Dowladda Turkiga si markabkan loo marsiiyo hannaan sharci ah kadib marka baaritaanka la dhammeeyo.
“Puntland waxay si rasmi ah ula xiriirtay Dowladda Turkiga, waxayna ku dadaaleysa in markabkan la mariyo waddo sharci ah marka baaritaanku soo gabagaboobo,” ayuu yiri Dabaraani.
Markabkan oo ay ciidamada Puntland qabteen 18-kii Luulyo 2025, ayaa la sheegay inuu siday hub ciidan oo aanay la socon wax badeeco ganacsi ah — taasoo Puntland ku tilmaantay mid ka duwan war-saxaafadeedkii Dowladda Federaalka ee sheegay in shixnada ay ganacsi iyo hub isugu jireen.
Waxaa kale oo bayaanka lagu yiri “Ilaa hadda Dowladda Federaalka ma aysan caddeynin cidda iska leh markabka, halkii laga rabay in baaritaanka la sugo ayey si degdeg ah u soo saartay warar aan sal lahayn.”
Haddaba sidee looga fal-celiyay jawaabta Puntland ee markabka hubka?
Cabdullahi Ibraahim Geesey: “Dhalinyarada aad kaluumeysatada dhaheysaan waa burcad badeed adinkana waxaad tihiin maamul burcad badeed, markab dowlad dhexe ruqsa ka heysta in uu maamul ku dhago misana bliliqeysto waa burcadnimo”.
Suleymaan Saciid Macallin: “Puntland shalay wey talo xumeyd, maanta wey orod gaaban tahay.”
Haliimo Cali Cariif: “War ha isku daalinina qorshiihi laga damacsana sida ay tahay ayuu u hirgalay.”
Xuseen Diyaaz: “Haddiiba u turkiga sheegtay inu leeyahay xamarna ku socotay maxaa waayey baaritaanka la rabo?”
Cabdullahi Burhaan: “Dadka caqligooda yaan lagu ciyaarin Dowlada Federaalka sowtaa xiriirka u jarnay maxay naga soo doonayaan hadda oo markabkan sharci daradaa noola baareysaa?”
Saciid Cali: “Magacii Burcad badeed waa ku dhacay hubkiina waa qaadan waayeen.”

