25.5 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Falanqeyn: Kulanki beesha caalamka ee Muqdisho ka dhacay oo muujinayo halis weyn oo kusoo wajahan Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay kulan deg deg ah kaasoo looga hadlayey xaaladda ammaanka iyo waxa iska badalay qorshaha dhismaha ciidamada qaranka, waxaana shirkaas ka qeybgalay dowladoo shisheeye.

Dalalka amni ahaan taageero dowladda Soomaaliya ayaa kasoo muuqday shirkaas, waxaana kamid ahaa dowladaha ka qeyb galay Ingiriiska, Imaaraadka iyo dowladda Mareekanka.

Dhanka Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamed oo  warbixin ka siiyey beesha caalamka mooshinka laga geenay Baarlamaanka arrinta ku aadan qorshaha amniga qaranka Soomaaliya oo ay ku heshiiyeen dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

xubnihii ka qeybgalay kulankaas ayaa muujiyey cabsi ku aadan inuu qorshahaan fashilmo, maadaama culeys weyn kasoo wajahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa shaki ka muujiyey cabsida ay beesha caalamka sheegeyso, waxayna ka dhawaajiyeen inay midaas caddeyn u tahay inuusan qorshahaan wax dan ah ugu jirin dalka Soomaaliya.

Ujeedka ugu weyn ee kulankaan laga leeyahay ayaa ah sidii looga tashan lahaa qaabka ugu fufud ee Baarlamaanka Soomaaliya looga dhaadhacsiin karo inay joojiyaan mooshinka lagu hor istaagayo qorshaha amniga qaranka.

Ilaa hadda waxaa la fahmi la’yahay ujeedka rasmiga ah oo ay dowladahaas ka leeyihiin qorshaha cusub ee la filayo in xoogiisa la hirgeliyo markii uu London ka furmo shirka Soomaaliya halkaas loogu qaban doono.

Ujeedka ugu weyn ee shirka London ayaa lagu sheegay inuu yahay in xoogiisa lagu ansixiyo qorshahaan oo aan ilaa hadda fasiraad sax ah laga bixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News