Daawo: Caasimada Online oo heshay muuqaal cusub oo uu Xasan Daahir Aweys kaga hadlayo Al-Saadicuun Bil-Xaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay tan markii uu galay gacanta dowladda soo duubay farriin muuqaal ah oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online.

Farrintan ayuu Sheekh Xasan Daahir si gaar ah uga hadlay urur diimeedka cusub ee maalmihii dhowaa sida aadka ah looga hadal hayey Soomaaliya ee Al-Saadicuun Bil-Xaq.

Waxa uu sharaxaad dheeri ah ka bixiyey ururkan waxa ay yihiin, meeshii ugu horeysay ee laga aas-aasay iyo sanadii la aas-aasay, iyo sidoo kale waxa ay yihiin iyo fikradaha ay aaminsan yihiin.

Haddaba hoos ka daawo fariinta Sheekh Xasan Daahir Aweys.