Isbahaysiga mucaaradka Kenya oo Iclaamiyay Musharaxa uga qeybgali doona doorashada

Nairobi (Caasimada Online)-Kulan magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku dhexmaray Madaxda Isbahaysiga mucaaradka dalka Kenya ayaa waxaa lagu xulay shaqsiga uga mid noqon doona Musharaxa Doorasho ee Kenya.

Madaxda Isbahaysiga mucaaradka ayaa isku raacay in Raila Odinga uu noqon doono shaqsiga keliya ee u tartami doona Isbahaysiga mucaaradka.

Madaxda Isbahaysiga mucaaradka, ayaa sheegay in Xildhibaanada Isbahaysiga ee ku jira Baarlamaanka Kenya looga baahan yahay in codadkooda ay siiyaan Musharax Raila Odinga.

Waxa ay sheegen in Raila Odinga uu yahay midka ugu dhow ee la loolami kara Musharaxiinta kale ee u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Kenya.

Raila Odinga ayaa horay uga qeybqaatay labadii doorasho ee ugu dambeysay ee ka dhacday dalka Kenya waxana uu ka soo jeedaa mid kamid ah qoysaska siyaasada caanka ka ah dalka Kenya.

Raila Odinga, ayaa mudadii u dhexeysay 2008-2012 ahaa Ra’isul wasaaraha dalka Kenya kadib markii doorashada uu ku guuleystey Mwai Kibaki taa oo dhacday sanadii 2007.

Geesta kale, doorashada Kenya ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha Agosto ee sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com