Falcelin culus oo ka dhalatay arrin uu Xasan Sheekh si weyn ugu dhaliilay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay jeediyey khudbad dheer oo waxbarashada dadka Soomaaliyeed uu uga hadlay, isaga oo farriin u diray bahda waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan baran cilmiga badda, balse ay leeyihiin badda ugu dheer Afrika, taas oo wax lala yaabo ah, uuna ku dhaliilay Soomaalida.

“Anagoo leh Badda ugu weyn Afrika, suurta gal ma’ahan in aanan laheyn aqoon Culuumta Badaha, amnigeeda iyo dhaqaalaheedaba. Waa in aan sare u qaadnaa aqoonteenna Baddaha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Waxaa la idinka sugayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysataan sida ugu haboon si aad dadkiinna uga haqabtirtaan soo saaridda kheyraadka Badahooda.”

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Khadar Suudi Maxamed: “Maanta oo kale ma ahayn inaad dhahdo ma lihin aqoon iyo awood badeed ee inaad shacabka dirays u xidhay ahayd oo aad carbiso, soona bandhigto dhuula-tus weyn.”

Maxamed Biis ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa run taa hadaba wax jir dad taariikh been ah aaminsan.”

“Howl fiican waaye jidkii faqriga looga bixi lahaa jidkaas waaye Soomaaliyeey,” ayuu yiri Cabdicasiis Cabdul Maxamed.

Sakariye Cali Dayib: “Madaxweyne waan kuugu amaanaa sida aad u xoojinayso tayada waxbarasho ee dalka, gaar ahaan culuumta Badda. waan amaanaya cid walbo oo garab inaga siisay culuumtaan.”

“Aqoontu haddii ay siyaado dalku waa uu hagaagi,” ayuu yiri Bashiir Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay hadalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdixakiin C/llaahi Shire: “Cadaalad baa laga bahan yahay, madaxweyne maanta waxaa kaaga baahan hooyoyinka la gubay iyo macalimiinta, sida sheegtay umadda markii la duminaayo hooyo ama macalinka baa laga dumiya, taasi maantay jirtaa ee wax ka qabo.”