‘Falkii ay sameeyeen xildhibaanada mucaaradka cusub’ oo laga jawaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi-saabir Nuur Shuuriye oo maanta ka qeyb ka ahaa xildhibaanadii ansixisay jadwalka guddoonka labada gole ayaa weerar siyaasadeed culus ku qaaday xildhibaanada taabacsan Farmaajo.

Cabdi-saabir ayaa xildhibaanada cusub ee taabacsan Farmaajo ku tilmaamay “Mucaaridka cusub ee golaha”, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay diidan yihiin qabashada doorashada guddoonka.

“Mucaaridka cusub ee tirada yar ee Nabad iyo Nolol ee diidan qabashada doorashada gaar ahaan mida guddoonka waxxaan leeyahay weli lama gaarin waqtigii mucaaradnimada ee waxaa lagu jiraa waqtigii sameysanka Baarlamaanka 11-aad marka sii kaydsada Energy-ga cusub,” ayuu ku yiri Cabdi-saabir qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Gacan ka hadalku ma ah mucaaradnimo ee waa shaqo ciidan Gorgor, Gaashaan iyo Haramcad. Hubka Baarlamaanku waa Dastuurka KMG, Xeerhoosaadka iyo dood maangal ah.”

Sidoo kale Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dhacdadii maanta ayaa sheegay in taageerayaasha Farmaajo ee qeybta ka noqday Baarlamaanka ay hadda isku bedeleen mucaarid.

Fiqi ayaa halis weyn ku tilmaamay kusii shaqeynta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, kadib hoobiyeyaashii maanta lagu eekeeyay, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ahaayeen mid siyaasadeed.

“Hoobiyihii, feerkii iyo buuqiiba waa codeeyeen laakin natiijadii waxba kama bedelin. Barlamaanku mucaarad iyo muxaafid ayuu lahaan jiray, hadda taageerayaasha Farmaajo oo fara ku tiris ah waa mucaarad, taageerayaashii mucaaradkuna waa muxaafid, waagii hore hoobiye iyo feer midkoodna ma jirin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku sii daray “Farmaajo iyo kooxdiisa waa muuqataa in ay mucaarad ku danbeyn doonaan laakin waxay u baahan yihiin koorsooyin mucaaradnimo edban ah in ay qaataan.”

“Waa halis ku sii shaqaynta villla Hargaysa, hawl meesha ay ka dhacayso uu darbiga ku dhegan ka soo horjeedo way adag tahay sida qaab nabdoon ay ugu socon karto.”

Hadaladaan ayaa imanaya ayada oo kulankii maanta ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.