Fallanqeyn: Hadii Bisaddu iska tagto, Jiirku wuu cayaaraa.!!!!

Hadii dibiga beer qoday,ubaxeeda daawado,ileyn kama ay daasheen, tuurtiisu dowliga,birta dabada ugu xiran,!!! Waa murti uu Soomaalida u qotomiyay Alaha ka saamaxo danbigiisee Abwaan C/qaadir Xirsi YamYam,si ay dhaxal ugu noqoto, isagoo ka eegay halka ay ku arooreyso oo ah.hadii howl kasta oo la qabanayo aaney jirin natiija wanaagsan oo ka dhalata,isla markaana ay kaga qancaan dadkii howshaas daalka iyo dayaca ka soo maray,xaalku waa weel dabada ka duleela oo biyo lagu shubayo,balse hadeey arkaan bulshadoodii oo guranaya mirihii ka dhashay howshiihagar la’aaneed  ee ay soo qabteen,waa hubanti in ay iloobayaan wixii habaas iyo haraad ay ka soo muteen hirgalinta howshooda,

Hada Soomaaliya marka aad eegto dadaalada ka soconaya,waa howlo ad-adag oo loo hurayo naf,maal iyo waqtiba,hadana waa ay yar yihiin natiijoojinka qurxoon ee ka dhasha,marka laga reebo kuwa si  dhaanta sidii hore u socda oo aan xiriir la laheynarima kale oo la doonayay in ay isku xiriir sanaadaan si loo higsado howlo wada qurxoon oo dadka qabtay  looga mahadceliyo,marka la daawadana lagu wada qanci karo,hadiise maalin kasta howl la qabto lagana tago iyadoo aan la dhameystirin ama aan laheyn qurux la daawado,macnaheedu waxa ay tahay dibigii beerta qoday ee hadana ka  sii durduriyay isaga oo aan daawan quruxda uu u diyaariyay howshii uu qabtay,

Hade weli ararta aan dumay,dulucdeedi maangalin,waana faallo daba dheer,aanse ka eego doc kale,oo mudooyinkaan danbe la oran karosafka hore ayey kaga jirtaa  hadal heynta iinta dowladu leedahay maadaama ay sanad jirsatay,lagana yaabo in dad badani wax iska weydiinayaan waxa ka hirgalay qodobadii madaxda dowladeenu bilowgii horeba la soo gole joogsadeen in ay fulin doonaan mudada ay u qidmeynayaan shacabkooda,

Waan hubaa in guri kasta,geed kasta.iyo gole kasta oo tiro soomaaliyeed oo qaan gaar ahi isugu timaado lagu xanto ama looga tooqo hadba dhaliishaka muuqata dowlad  kasta oo soomaaliya yeelato,iyadoo ay yar yihiin inta xigsata dhanka wanaaga iskuna xilqaama in ay dowladnimada ku darsadaan talooyin iyo fikrado laga yaabo in ay wax ka tari lahaayeen arimaha iminka cakiran ee la dhaqaajin la’yahay,iyagoo ku gororinaya maskaxdooda in dowladnimadu ay tahay wax la wada leeyahay oo aaneey gaar u laheyn inta markaa shukaanta u heysa,

Bal aan idiin dulgeeyo halka aan u dan leeyahay, oo ah mid ka mid ah caqabadaha ku hor gudban in soomaaliya yeelato dowlad awood leh,taasoo laga yaabo in ay dad badani ila dareemayaan, waayoo,maanta soomaaliya uma baahna,in loo dhiso dhismayaal waaweyn hadana lagu wareejiyo dhagxaan amnigooda ilaaliya,uma baahna in warshado aan sii jiri doonin laga hirgaliyo,in ganacsi balaaran oo shaqsiyaad ku  taajiraan loo abuuro, in jaakado,garfaatiyo iyo mobialo tira badan loo soo qaato,in xeebaha Liido iyo Jaziira maalinba kooxi isku sawirto,in gaadiidka aan xabaduhu Karin  loo soo daabulo,in aanan isku madadaalino xaflado iyo shirar aan mira dhal laheyn,anagoo awoodna in aan qabano howl muuqata oo mustaqbalka jiri karta,in qurba joogtu u soo aado indha indheyn iyo xaqiiqo raadin, hadana uu qof kasta naftiisa ku aamino hotel ama xaafad gaara,in idaacado ajnabiya iyo kuwa soomaaliyeedba la iska soo xanto,in halkii laga shaqeyn lahaa dowladnimada loo soo shaqo tago,in dal iyo dibadba aan isku sheegno dhalanteed isla markaana aan daawano  riwaayad ayhal abuureen abwaano ajaanib ah oo ma dhamaato ah,

Balse taa badalkeeda Soomaaliya,waxa ay u baahan tahay in la isku tanasulo oo la is cafiyo,in runta iyo dhagaha la isku furo,in si soomaalinimo  ah oo ficil ah meel la isugu geeyo maal,muruq iyo maskax sidii mar qura looga gudbi lahaa mushkiladaha na heysta,in la fahmo in laga wanaagsan yahay iyadoo aan la isku gudbi Karin, in dhulka koox koox loo sheegtolooguna kala noolaado caro madoow,caro gaduud iyo caro maanyo,,in qof kasta fahmo in aaneey wanaagsaneyn howl uusan isaguba maalintiisa qaban Karin in uu maalin walba ku dhaliilo qof kale oo maanta masuuliyad haya, in aaneey  ilbaxnimo aheyn in nidaam kasta la dumiyo iyadoo aan dalka loo heyn wax kale oo dhaama,in la iska daayo mashxaradaha beenta ah ee baroortu ka danbeyso,in la is aamino farahana laga qaado,fuulista faraska Federaalka ee aynaan maanta fahmsaneyn inta aan faraha looga guban, in taariikhdii la soo maray dib loo eego waxna laga barto,in si dhab ah loo wajaho furaha mushkiladda soomaaliya sida loo xalin karo,iyo sida ay u kala horeeyaan caqabaduhu,taasoo ah in marka hore howsha laga bilaabo  dhismaha ciidamada iyo sugida Aminiga, oo runtii hada aad moodo in si kala daadsanaani ka muuqto loogu daalayo wax ka qabashadeeda,marka Nabadgalyada la hantana loo gudbo qodobada kale ee na horyaala,sida hagaajinta sharciyada,Cadaalada iyo garsoorka,dib u dhiska dalka iyo  maamul wanaaga iyo horumarka kale ee dalku u baahan yahay.

Mar hadiise, la wada qirayo waxa koowaad ee maanta qof kasta oo soomaaliya uu u baahanahay in ay tahay Amni iyo xasilooni welina, laguna guuleysan la,yahay  sanado badan oo dowlado KMG ahi shaqeynayeen ka dib haba tabar yaraadaane,xataa in la hanto amaanka caasimada oo qura, iyadoo aan ognahay in ciidankeenu waajibaadkiisa u guto hadba sida loo howl galiyo oo aaneey qaladaadkan iyagu wax ku laheyn,maadaama aywaqti hore mar noqdeen ciidanka 2-aad ee Africa ay ku faanto,looguna magac daray {LIBAAXYADA AFRICA} uguna awoowda badanaa,hadana la heli karo kuwa higsada kuwii hore,balse su’aalaha mudan in la is weydiiyo ayaa waxey tahay,  maxaa hor taagan iminka in si dhab la dhiso ciidamo Qaran oo tayo iyo tiro leh, oo ka mira dhalin kara howsha loo igmado? Xageese aadeen ciidamadii 10-kii sano ee la soo dhaafay Dowladihii KMG ka ahaa loogu soo tababarayay, dalalka Jabuuti, Ugaandha, Kenya, Ithobiya, iyo xeryaha ku yaala gudaha dalkeena?  xagee la aadeen hubkii loo qeybiyay? Maxaa cadeyma ah oo loo hayaa qof kasta oo ka mid ahaa ciidamadaa iyo hubkii la siiyay si loola xisaabtamo? Aaway  kumanaankii  sarkaal ee sida xisaab la’aanta ah loo siiyay darajooyinkii  Qaranka,? xagee mareen saraakiishii maamuleysay ciidamadaa ama soo xulay markii horeba? Hadii la badaleyse ma jiraan dukumiinti tix raac leh oo xil wareejintoodala socday si loo daba galo hubkii iyo ciidamadii soomaaliya loo soo tababaray halka ay ku danbeeyeen? Yaa iska leh masuuliyadaas oo mudan in lagula xisaabtamo,?Maxaase dalkaan u diiday in mas’uul kasta iyo shaqadiisa lagula xisaabtamo, si loo kala xishoodo?Maxaa loo wada daawanayaa qaladaadka joogtadaa ee dhacaya,?Maxey tahay sababta qorshe la’aan weli kuwa kale loo sii tababarayo? Maxaa talada ciidamada loola wadaagi la’yahay saraakiishii iyo ciidamadii hore ee waaya araga ah,meel kasta ha joogaane,?maxaase laga bartay oo waaya aragnimo ah qaladaadkii ka soo baxay dib u dhiska ciidamada dalka,? shacabka mudo intee le’eg baa lagu sii qancin karaa iyadoo aan wax qabad muuqan in mar walba madaxda dalku ka hadlaan oo kaliya Amniga,saxaafaddase war ma u tahay in ay maalin kasta noo sheegaan waqtina ku lumiyaan kulan looga hadlayay Amniga oo muqdisho lagu qabtay,? intaa iyo in kaloo  ka  badan waa su’aalaha laga yaabo hadii la is weydiiyo,in ay wax ka tari  karaan Aminiga dalka, adiguna xaq baad u leedahay in aad qudhaadu is weydiiso hadii aad tahay ruux u damqanaya mustaqbalka dalkiisa,waayoo wax macnaa ma sameyneyso in waqtigeenu ku lumo dowlado aan noo qaban shaqo muuqata oo wax tar leh.

Yaananse ku sii fogaanin hadalkaa, waayoo waxaa suurtagal ah in aad aniga ila yaaban tihiin,ama aad jeclaan laheydeyn inaan ka aamuso arimahan,maxaa yeelay waxaan ka hadlayaa wax la wada og yahay oo lagu balamay in aan waxba laga qaban, balse jawaabta ugu macquulsan ee aad I siin kartaa waxa ay tahay,!! Ciidamadii waa iska kala tageen markeey  daryeel iyo mushaarba waayeen,ama ey arkeen iyaguba in aaneey madaxdoodu diyaar u aheyn in ay ka faa’ideystaan xoogooda,ana waxaan intaa ku sii darayaa,in ay  suurta gal tahay in ciidamadii u kala shaqo tageen, Ganacsatada, Maamul goboleedyada, Madaxdooda xilalka ka haya dowlada,Hoteelada, Safaaradaha, kuwa si gaar ah hey’ado u maamulaan iyo shirkado previte ah oo Un-ka iyo dowladuba ruqsad u siiyeen sugida amnigooda cid kasta oo ay dhaqaale kula hishiiyaan,iyagoo ka madax banaan ciidamada dowlada kana hub iyo nolol fiican, inta soo hartayna waa inta yaree maanta ka dhaqdhaqaaqeysa ciidamada dowlada kuna mintidaya howshooda iyaga oo laga yaabo ineey saluugsan yihiin sida ay wax u socdaan,

Mar hadii xaalku sidaa yahay,ciidamadiina cududoodii lakala qob qobay,amnigiina hadal mooyee si kale loo maareyn la’yahay,maxaa diidaya in cid kasta oo diidan dowladnimada ay dalka ka geysato falal amaan dara ah,  weliba lagu cayaaro quruxdii nolosha,dhismayaasha,gaadiidka iyo baalayaashii wadooyinka lagu xardhay,ileyn waa tii la yiri :-HADII BISADDU ISKA TAGTO, JIIRKU WUU CAYAARAAYE. !!!

WQ:- C/qaadir M.Faarax { Dulyar}

Dulyar23@gmail.com

Muqdisho/Soomaaliya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online