Fanaan Axmadey Abubakar Al-Camaari oo geeriyooday

Muqdisho (caasimada Online) – Allaha u naxariistee, waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho ku geeriyoodey fanaan Axmadey Abuubakar Mubaarak (Al-Camaari) oo ka mid ahaa hobollada qaranka Waabari.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanayey, isla markaana xanuunkii uu u geeriyooday maanta oo Jimce ah.

Al-Camaari waxaa uu ahaa hobol caan ku ahaa heesaha banaadiriga waxaa uu ka qeyb qaatay jilitaanka riwaayado badan oo bari samaadkii ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.

Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacaday waxa uu Axmedeey Abuukar u qaxay dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa.

Markii dambe waxa uu joojiyey hawlihii fanka ama hadii sida dadka badankiisu u yidhaahdaan loo dhigo waxa uu ka baxay fankii oo waxa uu mu’adin ka noqday masaajid.

Heesahiisa kuwa ugu caansan waxa ka mid ah heesta Qaahira oo ay dad badani sheegaan in ay ku timi qiso dhab ah oo dhacday, iyo heestii Hello .

Naxariista Janno Allah ha ugu deeqo Axmedeey Abuukar Alcamaari ehelkiisii iyo ummadii jeclayd na samir iyo iimaan ha ka siiyo.