Saddexda musharax ee ay madaxda dowlada u rabaan hoggaanka Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug  looga dhawaaqo Xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka labaad ee Galmudug kuwaa oo iyana dooran doona Hogaanka sare ee maamulka.

Doorashada Hogaanka sare ee Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u sharxan siyaasiyiin mug leh oo taageero badan heesta.

Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay si gaar ah u taageerayaan saddex musharax oo kala doonaya Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia, dowladda ayaa dhowaan dardar-galin doonta maamul u sameynta Galmudug, gaar ahaan soo xulida xildhibaanada haray iyo arrimo kale.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhowaan u ambabaxo Magaalada Dhuusamareeb si uu u dardar-galiyo dhameystirka dhismaha Maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, madaxda dowladda ayaa doonaya in madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug lagu garab galo masuuliyinta kala ah:-

1 – Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo u sharaxan xilka madaxweynaha

2 – Cali Daahir Ciid (Cali Ciid), oo u sharaxan xilka madaxweyne ku-xigeenka

3 – Maxamed Nuur Gacal, oo u sharaxan xilka guddoomiyaha baarlamanka.

Saddexdan masuul ayaa la sheegay iney yihiin kuwo aad ugu dhow madaxda qaranka waxayna ka soo kala jeedan beelaha Habargidir/Saleeban, Mareexaan /Celi iyo Murursade/Sabti.

Maamulka Galmudug oo dhismihiisa in muddo ah qaatay isla markaana khilaafyo badan ay hareeyeen ayaa waxaa lagu wadaa in la soo dhamaystiro 9-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2020.

Musharaxiinta ay gadaal ka riixeyso DF ayaa la filayaa iney loolan adag kala kulmaan musharaxiin mucaarad ah, gaar ahaan xilka Madaxweynaha Galmudug oo ay u taagan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa iyo xubno kale.