Dallada ururada bulshada rayidka ee Puntland oo ka walaacsan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

Garowe (Caasimada Online) – War-saxaafadeed goordhow ka soo baxay Dallada ururada bulshada rayidka ee Puntland, ayaa walaac looga muujiyay doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020ka iyo bilaawga 2021.

Dallad daneeyaasha aan dowliga aheyn ee Puntland waxay sheegtay in sanadkii 2016kii ay siyaasiinta Soomaalida ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka qabaliga ah loona guuro doorasho qof iyo cod ah oo ku timaada wadar ogal.

“Sharcigaan cusub ee doorashooyinka waxa uu isu keenayaa doorasho ku saleysan nidaamka 4.5 iyo doorasho qof iyo cod ah mana ahan wax is waafaqaya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland.

Dalladu waxay ku talisay in laga-wada tashada nuuca doorasho ee Soomaaliya si aan dalka loogu horseedin xasiloonj darro iyo qalalaaso amni.

“Waxaan ku baaqaynaa in la qabto doorasho la isla ogol yahay iyo in doorashada 2021ka aysan dalka uga darin halka uu maanta joogo” ayaa lagu yiri baaq ka soo baxay Dallada PUNSAA ee Puntland.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran