Tallaabadii uu qaaday R/W Cabdi Weli oo si aad ah loo soo dhoweeyey

Muqdisho (Caasimada Online) Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay booqashasda uu dhawaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ugu tagay fanaanka caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tallaabadaas ay dhiirigalineyso fanaaniinta Soomaaliyeed oo u muuqda kuwa la iska ilaaway markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha markii uu xafiiska la wareegay shaqada ugu horreysa ee uu qabtay ay ka mid ahayd in uu booqdo fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo ku xanuunsanaya magaalada.

Abwaab Cabdi Dhuux ayaa rajo fiican ka muujiyay in xukuumadda cusub ay wax u qaban doonto fanaaniinta Soomaaliyeed oo ku dhibaateesan dalka.

Wuxuu xusay in fanaaniinta ay diyaar u yihiin siddii ay ula shaqeen lahaayeen ra’iisal wasaaraha iyo xukuumada uu soo dhisaayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in ay wax u qaban doonaan fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo ah fanaan heer qaran oo dalka oo dhan caan ka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com