Qarax xooggan oo ka dhacay KENYA

Dhadhaab (Caasimada Online) Inta la ogyahay hal askari ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay xerada qoxootiga Dhagaxleey ee gobalka Waqooyi-Bari Kenya.

Qaraxa ayaa lala eegtay baabuur ay la socdeen ciidamada ammaanka Kenya kuwaasoo galbinayay gaadid ay la socdeen hey’addaha gargaarka.

Qaraxa kaddib ciidamada ammanka Kenya ayaa howgallo ka sameeyay xaafadaha ay ka kooban tahay xerada qoxootiga Dhagaxleey ee dalka Kenya sidaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Nairobi.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay qaraxa ka dhacay xeryaha qoxootiga Kenya, balse  waxaa sheegis mudan in wixii ka dambeeyay markii Kenya ay ciidamo u dirtay Soomaaliya in ay weerarro iyo qaraxyo ay ka dhaceen dalka Kenya.

Xeryaha qoxootiga Kenay waxa ay hooy u yihiin nus malyuun qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ka soo cararay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com