Musharrixiinta PUNTLAND oo mar kale go’aan culus soo saaray maanta

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Isniin ah ku shiray qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha soo socota.

Waxa ay uga hadleen kulankooda qoddobo ay ka mid yihiin doorashadda in waqtigeeda ay ku dhacdo iyo madaxweyne Faroole joojiyo faragallinta uu ku hayo guddiga xallinta khilaafaadka.

Intaas kaddib markii uu shirka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Cali Xaaji Warsame oo ah afhayeenka musharrixiinta, wuxuuna sheegay in wixii dhibaato ah oo ka yimaada doorashadda uu mas’uul ka ahaan doono madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Wuxuu sheegay oo kale in ay shaki ka qabaan qaabka ay u socoto xulista baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in wax kasta loo daayo guddiga marjiga oo ah isimada.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan go’aan dhawaan ay soo saareen isimada Puntaland balse waxa uu sheegay in codsanayaan in ay midoobaan isimada Puntland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay shirka musharrixiinta ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe isagoo dhammeestiran halkan hoose ka eeg.

bayaanka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com