FANNAAN caan ah oo loo magacabaay in uu noqdo afhayeenka SHIRKA SADE

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaareey ee caasimada u ah gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay shir hordhac ah oo ay yeesheen gudiyadii dhawaan magaaladaasi soo gaaray ee u socday shirka Midnimo-1 kaasi oo looga tashanayo xaaladaha guud ee Gedo iyo Jubbooyinka ee beesha Sade.

Kulankani ayaa waxaa la isku raacay in Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar-jecel), kabiirka Kooxda Qeylodhaan uu noqonayo wixii iminka ka dambeeyay Afhayeenka shirka wada tashiga ee magaalada Garbahaarey ka furmaya.

Afhayeen Cabdi Shire Jaamac oo kadib markii loo magacaabay hadlay ayaa sheegay inuu geedkasta iyo goobkasta u tagayo xalka Soomaalida.
Dhinaca kale waxaa shirkan lagu magacaabay guddiyadii kala duwanaa ee ka shaqeyn lahaa shirka iyo waxa looga hadlayo, iyaddoona dhinaca kale maalinta axada ah ee soo socota uu shirka qeybihii ugu ballaarnaa guda geli doono, kadib marka ay halkaasi soo gaaraan xubno kale oo la sugayo inay kusoo biiraan.

Shirka Garbahaareey ayaa waxaa ka hor yimid maamulka Ahmed Madoobe kuwaasi oo iyagana shir kale oo iminka iska dhamaaday isaga oo aan wax natiijo ah kasoo bixin ku lahaa Kismaayo. Waxaana u hadlay maamulka Axmed Madoobe labada nin ee kala ah Fartaag iyo Cabdirashiid Janan kuwaasi oo shirkaasi diiday.

Balse dhamaan shacabka Gedo deggan ayaa isku raacay shirka Garbahaareey inuu yahay mid dan u ah shacabka gobolkaasi deggan iyo xitaa nabad laga helo Kismaayo. Waxaana Sidoo kale shirkaasi taageero u muujisay dowlada Soomaaliya oo bilowday inay warbaahinteeda tabiyaan wararka shirka Garbahaareey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@livecom