Video: Arrin yaab badan oo lagu arkay Masjidka Xaramka ee Makka (Daawo)

Arin lala yaabay ayaa kusoo korortay Masjidka barakeysan ee xaramka “Kacbada”, oo ah kooxo Tuugo ah oo dadka usoo Cimro iyo Xaj tegay Xaramka ay kula kacaan inay ka xadaan alaabaha yaryar sida boorsooyinka lacagta, Taleefanada iyo wixii gacan qabasho ah xiliyada ay daalan yihiin ee ay hurdayaan.

Kaamirooyinka CCTV ayaa qabtay dhalinyaro dadka daalan baaraneyso masjidka xaramka dhexdiisa, iyagoo ka qaadanaya alaabaha ag yaal, sidoo kale waxay kaamirooyinkaasi sahleen in lala socda dhaqdhaqaaqa masjidka dhexdiisa, durbadiina ciidamada Booliska ay u fudadahay inay qabtaan dadka falalkaasi foosha xun ee alle ka furashada ku kacaya.

Arintan lala yaabay ayaa waxay noqotay masiibo ku habsatay kooxaha falkaasi foosha xun kula kaca dadka daalan ee cibaada ugu yimid dalal fog fog iyagoo ka faa’iideysanaya burcada daalka dadka ay xadayaan maadaama maalintii dhan cibaadeysanayo, ama dawaafka kacbada ku daalay, kadibna meeshii uu doono qofkaasi ku hurda masjidka dhexdiisa.

DAAWO MUUQAAL KA MID AH ARINTAN