25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Farmaajo oo soo diray fariin muhiim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bufalo (Caasimada Online) Raysal Wasaarihii horre ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo diray fariin uu uga hadlaayo warar maalmahan la isla dhexmarayay gudaha dalka Soomaaliya iyo caalamka.

Wuxuu beeniyay warar ay qoreen warbaahinta Soomaalida gaar ahaan bogga Online, kuwaasoo sheegay in uu didday codsi uga yimid madaxweynaha Soomaaliya oo ah in loo magacaabo raysal wasaaraha cusub.

Farmaajo ayaa ku qoray bartiisa Facebook qoraalkan gaaban “Waxan ka codsanaya warbahinta wax lagu qoro in ay joojiyan wararka ben aburka ah ee igu sabsan oo aysan jirin meel ay kasoo xigteeeen anigana kama hadal arrimaha hada wadanka ka jira,Mahadsanidin.”

Hadalka Farmaajo ayaa jawaab u ah warar been abuur ah oo ay qoreen bogogga Online, kuwaasoo leh waxaa loo magacaabi doonaa raysal wasaare iyo wuu didday.

Farmaajo ayaa ahaa raysal wasaarihii ugu taageeraha badnaa xilligii kumeel gaarka, waxa ay is qabteen guddoomiyihii  horre Shariif Aadan  Sheekh Aadan iyo Beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC.

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News