Farmaajo oo booqanaya halka ugu amniga xun Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in goordhow uu booqdo Suuqa Bakaaraha ee magaalada, gaar ahaa Goobihii gubtay maanta.

Madaxweynaha ayaa si guud u booqan doona goobaha ganacsi ee uu baabi’iyay dabka waxa uuna sidoo kale Ganacsatada u diray fariin ka turjumeysa sida uu uga xun yahay khasaaraha kasoo gaaray dabka.

Gen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, ayaa sheegay inay ka hordhici doonaan Madaxweynaha isaga iyo Saraakiil kale.

Gaafow, waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu ahmiyad gaar ah siinaayo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in lagu amray in si hordhac ah ay usii gaaran Suuqa Bakaaraha.

Gaafow waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu booqan doono goobta uu dabka ka kacay isla markaana uu shacabka iyo ganacsatada la qeybsanayo dhibka gaaray, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in mudada uu ku guda jiro booqashada uu kulan la qaato qaar kamid ah Ganacsatada uu ganacsigooda ku gubtay dabka kacay.

Dhinaca kale, Suuqa bakaaraha ayaa marka la fiiriyo amni ahaan aad u liidata marka loo fiiriyo meelaha dowladda ku xoogan tahay ee xaafadaha ka ag dhow madaxtooyada illaa garoonka Muqdisho, hase yeeshee Madaxweynaha waxaa u muuqda keliya in Ganacsatada uu la qeybsado murugada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com