Farmaajo & Geelle oo furay safaaradda JABUUTI ee Muqdisho (Arag Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta si Wadajir ah u furay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiye ayaa goobta ka qaadayay Heeso Wadaniyad ku dheehan tahay, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay ahmiyadda ay leedahay inay dib u furtaan Safaaradda Jabuuti ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay dowladda Jabuuti Taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com