24.3 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Farmaajo iyo Albashiir oo ku heshiiyay hal arrin oo muhiim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ayaa kulan khaasa la qaatay dhigiisa Sudan Omar Xasan Axmed Albashiir.

Farmaajo ayaa inta uu socday kulanka dhigiisa Sudan ka dalbaday in garab mideysan lagu siiyo sameynta dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika.

Farmaajo ayaa sheegay in DFS ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aadan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

Farmaajo ayaa yiri ”Dalada dhaqaale waxa ay hormuud iyo iskaashiba u abuureysa dowladaha geeska oo isaga dhow dowladaha kale, waana muhiim inaan helnaa dalad dhaqaale”

Albashiir ayaa dhankiisa ka sheegay inuu rumeysan yahay in waxbadan ay soo kordhin doonto dallada waxa uuna soo dhaweeyay ka qeybqaadashada hirgalinta dallada.

Sidoo kale, Albashiir waxa uu ballanqaaday in dowladiisa ay wanaajin doonto xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News