Xog: Maxaa ka jira in ciidamo AMISOM ah la geynayo Cadaado?

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug gaaray Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, General Cismaan Nuur Subagle oo ay wehlinayaan Saraakiil ka tirsan AMISOM.
General Cismaan Nuur Subagle, ayaa halkaa kulamo khaas ah kula qaatay madaxda

maamulka Galmudug, waxa uuna ujeedka socdaalkiisa ku sheegay xaqiijinta amniga magaalada Cadaado.

General Cismaan Nuur Subagle, ayaa Madaxda Galmudug ee siyaasadda ku kala qaybsamay ugu baaqay inay si hoose u xaliyan khilaafka dhexdooda ah, lagana wada shaqeeyo nabadgelyada.

Subagle waxa uu madaxda maamulka u sheegay in AMISOM ay la wareegeyso amniga Garoonka Cadaado si aan halkaa looga xanibin diyaaradaha isla markaana hakat u galin shaqooyinka ka socda.

Waxa uu Subagle sidoo kale Madaxda uu la kulmay usoo jeediyay in magaalada Cadaado la geeyo ciidamo AMISOM si ay ula wareegan amniga goobaha muhiimka ah iyo kan madaxda.

Subagle, waxa uu tilmaamay si loo adkeeyo amniga mudada uu jiro Khilaafka ay Cadaado geyn doonaan ciidamo si gaara u ilaaliya amniga Garoonka iyo kan magaalada.

General Cismaan Nuur Subagle wuxuu sheegay inay amar ka haystaan Dowladda Federaalka Somaliya, oo ku aadan inay la wareegan amniga Garoonka Cadaado, diyaarna ay u yihiin inay la wareegan amniga Garoonka iyo kan magaalada Cadaado, gaar ahaan kan madaxda.

Geesta kale, General Subagle, ayaa xusay in Ciidamada AMISOM ay fulinayan amarka kaga yimid Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay fududayn doonaan deeqda beesha caalamka ugu tala-gashay dadka reer Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com