“Farmaajo iyo Gaas waxba noogama qaadi doonaan xulafadooda” Waxaa yiri…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Muxumed (Mataan) oo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay Puntland ku garabsiineyso dagaalka ay kula jirto Somaliland.

Xildhibaan Mataan ayaa sheegay in Dowlada Somalia iyo Puntland ay isku baheysanayaan Somaliland oo uu sheegay inay iminka heysato qeybo kamid ah deegaanka Tukaraq.

Waxa uu Xildhibaan Mataan cadeeyay inay heleen macluumaad muujinaaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Cabdiweli Gaas ku taageeray dagaalka Tukaraq, hase ahaatee dagaalka ceynkaasi ah uusan waxba u dhimi doonin Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Farmaajo iyo C/weli Gaas si waliba oo ay isku baheystaan waxba kama qaadi karaan Somaliland waxaan isaga difaaceynaa cududeena’’ ayuu yiri Xildhibaan Mataan oo la hadlaayay Wargeysyada kasoo baxa magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Mataan ayaa tilmaamay in Somaliland ay weligeeda ka talin jirtay deegaanka Tukaraq iminkana ay dib u qabsan doonto iyadoo aan u babac dhigin ayuu yiri isgarabsiga Dowlada Somalia iyo Puntland.

Waxa uu yiri Xildhibaanka ‘’Dowlada Somalia waxaanu ka dooneynaa inay cadeysato mowqifkeeda ama inay gacan ka taagato isgarabtaaga ay ku heyso Puntland’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay Xildhibaanka in weerar waliba oo Somaliland kaga imaada Dowlada Somalia iyo Puntland ay iska difaaci doonto, isla markaana aysan wax u qaadan doonin.

Haddalka Xildhibaan Mataan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Dowlada Somalia ay dhawaan ku baaqday in la hakiyo dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com