Farmaajo iyo UHURU oo la sheegay in sharciyan aysan awood u lahayn in ay ka hadlaan kiiska maxkamada

Nairobi (Caasimada Online) – Taleefishinka qaranka dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya la go’aamiyey in lagu dhammeeyo hab diblomaasiyeed.

Hase ahaatee su’aasha la isweydiinayay ayaa ku saabsaneyd in Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay awood u leeyihiin iney ka hadlaan arrinta muranka badda.

Ciid baddal oo ka faallooda arrimaha diblomaasiyadda ayaa BBC-da u sheegay in haddii labo dal ay is khilaafaan loo baahan yahay dhinac saddexaad oo dhexdhexaadiya, laakiin qodobkaas aan jidkii ugu wanaagsanaa loo marin.

“Labada waddan xiriirkoodu wuu go’ay, safiirradii ayaa la eryay, marka jidka ugu habboonaa wuxuu ahaa marba haddii dal saddexaad uu dhex dhexaadinayo inuu ku kulansiiyo caasimadda waddankiisa, sidaas awgeed Itoobiya hadday dhexdhexaadineyso Kenya iyo Soomaaliya, waxay ahayd inay hoggaamiyeyaasha isugu geyso magaalada Addis Ababa”, ayuu yidhi Ciid.

Dhanka kale Danjire Ciid wuxuu sheegay in Kenyatta iyo Farmaajo aysan awood u lahayn iney ka wada hadlaan arrinmaha ku saabsan khilaafka badda.

“Arrinta badda ma aha mid uu Abiy Axmed wax ka qaban karo ama Farmaajo uu wax ka baddali karo, umadda Soomaaliyeed way soo jeeddaa, dhulkeedana way ku adagtahay. Arrintu maxkamad bay taallaa waxaana la sugayaa inta uu go’aanka maxkamadda soo baxayo”, ayuu yidhi.

Sidoo kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo falanqeeya siyaasadda ayaa Danjire Ciid ku raacay fikirka la xiriira in Abiy Axmed iyo hoggaamiyeyaasha kale toona aysan awood u lahayn iney faragaliyaan arrinta badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Isagoo fikirkiisa cabirayay ayuu yidhi: “Dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonaan gorgortan dhanka xuduudda badda ah wayna ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo”.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com