Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowlada Federaal ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabnimadii maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Ugandha.
Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Ugandha iyo tirro Wasiiro ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu marti qaad ka helay dhigiisa dalka Ugandha Yoweri Museveni, waxa uuna sidoo kale dhigiisa kala hadli doonaa arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dal.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa booqashadooda qaadan doonta muddo labo cisho ah, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni.
Geesta kale, Socdaalka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ku xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee gobolka iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka.