Farmaajo muxuu kuugu yeeri waayay?

Waxay ahayd sheeko waalan oo in kabadan boqol ruux oo aanu saaxiibo nahay ay ii soo waceen amaba qoraallo iigu soo direen, qaarkoodna ayba sawiro iyo muuqaallo igu soo lifaaqeen si ay micno ugu yeellaan doodahooda iyo su’aalahooda.

Xertan badankoodu ismaaney aqoon, mana aanay joogin isku magaallo, dal ama qaarad toona mana garanayo waxay ka mideysnaayeen marka laga reebo hal su’aal oo dhamaantood niyadooda ka guuxeysay oo ahayd “Waa taad Farmaajo la shaqeysay ee muxuu kuugu yeeri waayay?” kuwa kalena waxay yiraahdeen “Waa taad saaxiibada ahaydeen Madaxweynaha la Doortaye Xamar Goormaad aadaysaa?? Anigoo aaminsan in jawaabo ay ku qanci karaan aan siiyay ayaan haddana waxaa jeclaystay bal arintan iney iyaga iyo qaar kaloo aanan weli su’aashaas i weydiin ama hadda niyadda ku haya ay gaarto jawaabteyda.

Horta markaan Madaxweyne Farmaajo taageerayay 2011 amaba aan aadka uga ololeynayay #Facebook iyo baraha bulshada maanu jirin rabitaan igu jiray oo ahaa xil hakuu magacaabo ama markuu guuleysto madaxtooyada halagaaga yeero oo xil hakuu magacaabo. Haddaan si kale u dhigana niyadeyda marnaba maanan gelin taageeradaada Farmaajo wax uga badello balse waxay ila ahayd, haddana ila tahay inaan u arkayay hoggaamiye wakhtigaas la dulmiyay waxqabadkiisuna uu in badan ka wanaagsanaa xukuumadihii dalka soo maray wakhtigii burburka kadib. Waxaan horeyna u aaminsanaa, haddana aaminsanahay inuu Farmaajo yahay hoggaamiye ku wanaagsan fahamka dareenka bulshadiisa, islamarkaana kasban kara yagleelidda dowlad wax ka qaban karta xaaladda sirgaxan ee dalkeenu ku sugan yahay, waase haddii shacabka iyo madaxda goboladu ay la shaqeeyaan.

Markii aan bartay oo aan in badan la sheekaystay waxaan ogaaday in dareenkii aan aniga iyo shacbi farabadan ka qabnay mudane Maxamed Cabdulaahi ‘Farmaajo” uu yahay mid xaqiiqo ah oo biya kama dhibcaan ah. Dhabtii xushmadda dadka, dal jaceylka, ilaalinta xiriirka wanaagsan ee bulshada iyo hanka sareeya ee hoggaaminta dalka intaba waxay ahayd wax aan ka bartay, kuna arkay markaan la kulmay Mudane Farmaajo dhawr jeer oo kala duwan.

Haddaba jawaabta Ilaahay igu ogyahay waxay tahay markaan Farmaajo la shaqeynayay iguma jirin dareen shakhsiya oo ku saleysan madaxtooyada iska xaadiri marka uu Farmaajo guuleysto ee waxay iga ahayd Farmaajo taageer si Soomaaliya u guuleysato, taasoo aan isleeyahay haddii Farmaajo guuleysto waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya guuleysatay, hadduu guul-dareystana Soomaaliya ayaa guul-dareysatay. Mar walba rabitaanka shakhsiga ah ee madaxda ama inuu shaqo ku siiyo waxaa ka horeysa maxaad dowladnimada dalkaaga, dadkaaga iyo diintaadaba aad ku garab istaagtay si loo helo Soomaaliya qurxoon oo quudin karta shacbigeeda, ilaalsan karta xuduudaheeda, islamarkaana dhawri karta sharafta muwaadin walba oo Soomaaliya. Dowladnimadu ha guuleysato, Soomaalinimadu hakula weynaato wakhti walba. Waxaan ogahay oo aan ka warqabaa in dad badan oo Farmaajo la shaqeeyay ama taageero u muujiyay 2012-kii iyo haddaba ay buux dhaafiyeen hudheelada Muqdisho iyo nawaaxiga Villa Soomaaliya. Dhabtii waa ayaan darro in madaxda loola shaqeeyo si markay guuleystaan xil loogu doonto. Waa muhiim in ruux walba oo fahmo Soomaaliya ayaa dhamaanteen naga badan haddii madaxdeenu guuleysato dhamaanteen waan guuleysanahay. Waxaan mar walba is weydiiyaa malaayiinta Soomalaida ah ee Farmaajo taageersan ee ku kala firisan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka waran hadday Villa Soomaaliya iska xaadirin lahaayeen si ay madaxweynaha ula shaqeeyaan ama taageeradooda wax loogu badello. Taas waxaa u dhigan haddii xubnihii gollihii Kacdoonka oo kumanaan gaarayay ay maantay lagu wareeriyo maad Muqdisho aadaan oo aad Farmaajo la shaqeysaan ama muxuu idiinku yeeri waayay waa ayaan darro kale oo soo korortay ee fadlan dhamaanteen aan madaxda ula shaqeyno, ama ku mucaaradno wax ka turjumaya rabitaanka Danta Dalka, Dadka iyo Diinta.

#Soomaaliya #Ha #Guuleysato #Farmaajo #Ha #Guuleysto #Kheyre #Ha #Guuleysto

W/Q Cabdiqafaar Shire (Soomaali)
Jaamacadda Metro State, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com