Faallo: Is bar-bar dhig abaartii DABA-DHEER iyo abaarta ‘IGU-SAWIR’

Soomaalidu waxay degentahay dhul aad u wayn, waa bulsho reer guuraa ubadan oo ku tiirsan sadexda meesin ee ay dhaqato.

Bulshada waxa qayb aan yarayn iyana ka ah dadka tabcada beeraha, ee noloshoodo ku tiirsantahay dalagga ay goostaan.

Waxa soo raacaa waa inyar oo reer xeebeed ah oo noloshoodu ku tiirsantahay kaluunka ay lasoo baxaan.

Labada qaybood ee hore oo bulshadu u badantahay noloshoodu waxay ku xidhantahay dhibicda roobka iyo daaqa ay soo saarto, halka qaybta sadexaad aysan roobka u qabin wax ka badan baahi cabitaan.

Sidaas haday tahay waxa dabiici ah oo caqliga gelaysa aduunyadana hore loogu arki jiray in xilliyada roobka qaarkood biyo yarood noqdaan, iyo in xilliyada qaarkood roobku baaqdo.

Intii soomaali jirtay muddo yar oo kooban uun bay lahayd dawlad qumman oo leh quwad ay wax kaga qabato dhibaatooyinka gudaha iyo dubeddaba, iyo awood ay ku wajahdo muusiibooyinka dabiciga ah oo ay ku yarayn karto khasaarahooda.

Mudadaa yar wixii ka soo hadhay dhib walba oo yimaadda shacbka soomaaliyeed keligii buu wajahayay cida uu doono ha kula galgashee.

Qormadan waxaan rabaa kaliya in aan is barbardhig ku sameeyo labo abaarood oo soomaalida soo maray sida ay ahaayeen iyo sida looga falceliyay khasaaraha ka dhashay iyo waxyaalo kale.

Waa labo abaarood oo mid ay lahaayeen dawlad midaysan, kali ah oo awood leh, iyo mid ay leeyihiin toban dawladood oo tamar iyo taag midna aan lahayn.

Ta hore waa abaartii dabadheer (1974-1975) ta labaadna waa abaar leh magacyo badan sida: igu sawir, sima, jirkaammaley, ha dhaqdhaqaaqin iyo magacyo kale oo badan (2015 – ilaa hadda)

Bismillah ….

Abaartii dabadheer 1974-1975

1- Waxay dhacday 40 sano ka hor

2- Waxay aad u saamaysay gobollada waqooyi iyo bari ee soomaaliya.

3- Dadka ku caydhoobay waxaa lagu qiyaasaa 230,000 waxa loo daad gureeyay gobollo kala duwan oo dalka ah.

4- Tirada xoolaha bakhtiyay mudadii udhaxaysay nov/1974 ilaa june/1975 waxa lagu qiyaasay:

=> Adhi = 5.76 milyan oo neef

=> Lo’ = 1 milyan oo neef

=> Geel = 520,000 oo neef

5- Dadka u dhintay macaluusha -oonka/gaajada- iyo cudurada abaarta waxa lagu qiyaasay 20,000 oo u badan caruur iyo waayeel.

6- Dadkii waxa lo sameeyay xarumo waawayn iyadoo loo qaybiyay laba xirfadood (shaqo) si ay qayb uga qaataan wax soo saarka wadanka quudkoodana ula soo baxaan, guud ahaan dadka xeryaha galay waa 119 kun iyo jarjar faahfaahinta shaxanka hoose ka eeg

# Xarunta T/ dadka Xirfadda
1 Togwajaale 48,014 Beeralay
2 Sablaale 29,937 Beeralay
3 Kurtun-waarey 26,620 Beeralay
  Wadar 104,574
4 Baraawe 6,370 Kaluumaysato
5 Garacad 5,011 Kaluumaysato
6 Eyl 3,156 Kaluumaysato
  Wadar 14,537
Wadar Guud 119,111 Qof

Fg: tirakoobyada iyo macluumaadka ku saabsan abaarta daba dheer waxaan ka soo xigtay bug uu qoray gen/cali ismaaciil maxamed (soomaaliya dareen maqan iyo damac shisheeye)

Abaarta la magac baxday IGU SAWIR ha dhaq-dhaqaaqin

1- Waxay bilaabatay dabayaaqadii 2015 ilaa hadda way socotaa – allaah ha inaga soo jabiyo-

2- Waxay ku dhufatay 90% dhulwaynaha ummada soomaliyeed.

3- waxa loo bixiyay magacyo badan oo ka tarjumaya xaddiga abaarta sida sima (dhulkii oo dhan way sintay meel loo hayaamaa ma jirto, sidoo kale ninkii xoolo badnaa iyo kii caydh ahaaba way sintay) Ha Dhaq-dhaqaaqin & anaa kaa daran (wa labo magic oo ku tusaya in aysan deegaanadu is dhaamin oo abaartu wada taabatay) iyo magacyo kale oo qoraala badis mooyee macno kale aan soo kordhineyn.

4- Ilaa hadda ma jiro tirakoob rasmi ah oo laga sameeyay khasaaraha abaartu gaysatay sida: dadka ku caydhoobay, dadka dhintay, xoolaha baxay, iwm

5- Inaga oo cuskanayna wararka filiqsan ee saxaafadda soomaliyeed ay baahisay waxaan odhan karnaa waxa jira:

=> Tiro aan yarayn oo dad ah ayay abaartu galaafatay, dadka qaar oon iyo gaajo ayaa laayay, halka qaarka kale cudurada abaartu sabab unoqdeen dhimashadooda.

=> Tiro kale oo dad ah ayaa la sheegay gacantooda in ay isku khaarajiyeen iyaga oo ka indho qarsanaya xaaladda qadhaadh ee soo foodsaartay.

=> Tiro dad iyo xoolaba leh ayaa weerar kala kulmay xayawaan duur jog ah oo macaluuli dubatay tusaale waxaan usoo qaadan karnaa:

B- Nin la sheegay in uu doofaar dhaawacay

T- Xoolo la sheegay iyana in doofaar laayay oo uu uusmiirtay waxa yaab leh in xoolahaa doofaarku cunay geel ku jiro.

J- Shimbiro la sheegay nin reer miyi ah iyo afartan neef oo uu watay in ay indhaha kala baxeen.

=> Ta ugu yaabka badan waxay ahayd xoolihii dab joogta ahaa ee la dhaqan jiray ee daaqa mooyee wax kale aan af saari jirin ayaa laga sheegay:

B- Neef xoolo ah oo cunay neef kale oo bakhtiyay.!!!

T- Neef xoolo ah oo cunay ilmo yar oo sadex bilood jira !!!

Qiimayn

1- Hadii aynu ufiirsano isbarbardhigan waxaa inooga soo baxaysa labada abaarood in ay wadaagaan Dhimashada dadka iyo bixidda xoolaha.

2- Waxaynu arkaynaa in ay abaartani ka baaxad balaadhantahay oo ka muddo dheertahay abaartii hore.

3- wax ka qabadka iyo gurmadka marka la eego farqi xoogan ayaa u dhexeeya labada abaarood, oo tii hore iyadoon dibad loo qayshan ayay dawladii xiligaas talinaysay si sharaf leh uga badbaadisay dadkii iyo duunyadiiba halka abaartan qayladu isu yeedhay gaalo iyo islaam, deris iyo beesha caalamka, hay’adaha gargaarka, cid aan loo dhawaaqin ma jirto.

4- Xuduudaha iyo isgoysyada u dhexeeya maamulada gudub iyo ballacba wadanka ka taliya ayay hay’adaha gargaarku sheegayaan in ay caqabad ku noqdeen hawlaha gurmadka ee ay wadaan.

4- Waxa guul in uun lagu tilmaami karaa in lagu baraarugay ahmiyadda riigaga/ceel biyoodku uleeyihiin la tacaalidda abaarta iyo badbaadinta dadka iyo duunyada, waa waxqabad istiraatiiji ah oo abaaraha danbe lagaga badbaadi karo insha’allah.

5- Waxa bogaadin iyo hambalyayn mudan jaaliyadaha soomaaliyeed e qurbaha ku nool oo kaalin mug leh iyo door muuqda oo muhim ah runtii ka qaatay badbaadinta dadka.

Ugu danbayn alle wayne waxaan ka baryaynaa, intii ay galaafatay abaartu ee haraad udhimatay in uu jannadiisa ka waraabsho, inta noolna uu roob deg-deg ah ushubo.

1- Allahayoow dadkii waxa ku dhacay dubbe abaareede

2- Daruurtiyo alloow way ka qadeen dirirkii roobaade

3- Dhuuntaa cadkii kama dejaan caanihii damale

4- Da’ yartiyo raboow noogu nax duqayda diifowday

5- Dugaagiyo alloow noogu nax duunyadaa silicday

6- Oo hanoo dayicin raboow daba xuntii gaalo

7- Dantoodu waa dadoow diinta duunyo dhaafsada’e

8- Alloow daruurta noo hoori daayin baad tahaye

W/Q: C/llaahi C/Casiis Ismaaciil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com