Markabkii lagu haystay Caluula oo la sii daayey (Maxaa lagu dhameeyey arrinta?)

Caluula (Caasimada Online) – Dableydii xeebaha degmada Caluula afduubka ugu haysatay markabka xamuulka ah ayaa siidaayay xalay fiidkii, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah raggaasi iyo weliba dadka deegaanka.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay dableyda ku qanciyeen in ay siidaayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, isla markaana aanay jirin wax lacag madax furasha ah oo la siiyay.

Markabka oo shidaal siday ayaa dableydu waxa ay Isniintii ka qafaasheen xeebaha Puntland.

Afduubka markabka ayaa ah kii ugu horeeyay ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca muddo 5 sano ah.

Ragga afduubka sameeyay ayaa sheegay in ay yihiin kalluumeysato dhibaato badan kala kulmay maraakiibta sidda sharci darrada ah uga jillaabata xeebaha Soomaaliya.

Koose Yuusuf Xaaji oo ka mid ah odayaasha gacanta ka geystay in markabka la sii daayo ayaa BBC u sheegay in markii la siidaayay ay galbiyeen ciidammada badda ee Puntland.

Koox dhallinyaro Soomaali ah, laguna sheegay iney yihiin burcad badeed ayaa 14-kii bishan qafaashay markabka oo uu ka taagnaa calanka dalka Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com