Farmaajo oo 3 arrin uga digay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia oo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shir Guddoominaayo shirka Golaha amniga Qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo ayaa ka digay in madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka ay horseedan caqabado hor leh uu  cagaha la galo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiska Dowlada iyo Maamul Goboleedyada uu adduunka u muujinaayo in Somalia ay u hogaansan tahay inay ka shaqeyso aayaheeda, hase ahaatee aanu faa’iido laheyn in adduunka uu kusoo baxo khilaafka madaxda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ka Madaxweyne ahaan uusan kasoo horjeedin in lawada tashto isla markaana laga gudbo khilaafyada soo laalaabta, balse uusan munaasib u arkin in lagu dhaqaaqo is barbaryaac.

Madaxweynaha oo kulamo khaas khaas ah magaalada Baydhabo kula qaatay dhammaan madaxd maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa u sheegay inay muhiim tahay in si wada jira loogu adeego dalka.

Waxa uu Madaxda maamulada uga digay inay ku dhiiradaan 3 arrin oo uu sheegay inay halis galinkarto dalka waxaana kamid ah:

1-In laga fogaado in Khilaafka Madaxda iyo maamulada la gaarsiiyo heer ay soo faragaliyaan saaxiibada caalamka.

2-In laga weecdo heshiisyada ay wada galeen madaxda iyo maamulada, taa oo aasaas u noqonkarta dhibaatooyin hor leh.

3-In maamulada ka jira dalka ay adeecan dowlada Somalia, isla markaana laga fogaado is garabyaac iyo in khaladaadka jira la tuso shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxda u sheegay in Dowladiisa ay ahmiyad gaara siin doonto in wixii jira lagu xaliyo miiska dushiisa, taa oo uu cadeeyay in looga gudbi karo dhibaatooyinka heysta dalka.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa madaxda maamulada ugu baaqay ineysan dhaawicin qalbiga shacabka oo uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin dowladnimo.

Dhinaca kale, waxaa weli qabyo ah kulanka Madaxweynaha iyo madaxda maamulada, waxaana lagu wadaa in maanta lasoo afmeero xitaa khilaaf hooseedyada dowlada kala dhexeeya maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com