Farmaajo oo amar ku bixiyay kordhinta ciidamada ku sugan Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo badan oo dheeraad ah u dirtay Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa bixiyay amarka ciidamada dheeraad ah loogu diray Suuqa Bakaaraha si loo xaqiijiyo amaanka Suuqa.

Ciidamadaasi ayaa sidoo kale loogu talo galay inay ka qeyb qaataan in dab kale oo ka kaca Suuqa Bakaaraha uusan si dhaqso ah ugu faafin goobaha kale ee ganacsiga.

Ciidamada ayaa waxaa ku jiro Boolis iyo nabad sugid saldhigyo ka sameystay gudaha iyo hareeraha Suuqa bakaaraha.

Waxaa sidoo kale la doonayaa inay ciidamada ka hortagaan dadka boobka ka geysan kara xiliyada dabka uu ka kaco suuqa weyn ee bakaaraha.

Waa markii ugu horeysay oo ciidamo ka socdo dowladda Soomaaliya la geeyo Suuqa weyn ee bakaaraha kuwaasi oo tiro ahaan ka badan ciidamadii horey ugu sugnaa Suuqa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday socdaal lagu waday inuu kutago suuqa Bakaaraha, lamana sheegin waxa baajiyay Safarka Madaxweynaha waxaana badalkiisa Suuqa tagay Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Nabad sugida Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com