Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa ballan qaad u sameeyey Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi.
Farmaajo oo ka hadlayey munaasabad xarigga looga jarayey dhismo cusub oo safaaradda Soomaaliya ee Washington looga iibiyey Mareykanka ayaa sheegay inuu booqan doono gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay, gaar ahaan kuwii sida aadka ah looga taageeray barnaamijkiisii Qaaraan Qaran.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carab baabay deegaanada uu booqanyo, kuwaas oo kala ah Minnesota, Ohio, Taxes, Virginia iyo Toronto Canada.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo kala hormarinayo sidii ay u kala taageereen waagii uu ololaha doorashada ku jiray ee uu ururinayay lacagtii uu ugu magaca daray Qaaraan Qaran.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadaasi uu fulin doono marka uu soo gabagabeeyo safarka uu hadda ku joogo Mareykanka, islamarkaana marka uu Muqdisho yimaado markale dib ugu laaban doono deg deg Mareykanka.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Mareykanka ayaa ah midkii ugu horreeyey ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii loo dootay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.