Farmaajo oo caawa jeedin doona khudbad xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa jeedi doona khudbad xasaasi ah oo sida ay shaacisay madaxtooyadu ku saabsan xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka Farmaajo, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in khudbadaas uu Farmaajo shacabka Soomaaliyeed uga warbixi doono xaalada guud ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka u jeedin doona Shacabka Soomaaliyeed. Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si toos ah looga baahin doonaa Warbaahinta Soomaaliyeed,” ayuu Afahayeenka Farmaajo ku soo qoray bartiisa Facebook.

Mudooyinkii u dambeeyey Farmaajo ayaa ka aamusnaa xasaradaha siyaasadeed ee dalka ka jira, oo intooda badan uu nadaamkiisu abuuray, waxayna khudbadiisaan ku soo aadeysa xilli khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wixii ka dambeeyey markii Farmaajo lagu eedeeyey afgembi ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha ee dhacay 27-kii December, waxaa aad u yaraa dhaq-dhaqaaqa xafiiskiisa, waxaana caawa laga war sugayaa waxa uu ku sheegi doono khudbadiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii