PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay dad loo heesto DILKII Cabdikaafi

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howl-gal ka sameeyey magaalada Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay rag iyo dumar loo heesto inay ka dambeeyeen dil xalay wiil dhalinyaro ah loogu geystay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame, waxaana uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Garoowe.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska, qaybta gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa siroodnka ay gacanta kusoo dhigeen illaa afar qof oo lagu eedeynayo dilka marxuumka, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

“Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha Magalada ka sameyeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka oo xiligaas goobta Ka baxsaday ayna suurto gashay soo qabashada dilkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska qaybta Booliska ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi kusii daray in falkan loo soo qabtay Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo saddex dumar ah, kuwaas oo loo gudbiyey laanta dambi baarista ee CID-da.

Booliska ayaa u mahadceliyey dadka shacabka ah ee la shaqeeyey ciidamada sameeyey howl-galka lagu soo qabtay afartaasi qof ee eedeysanaha ah, loona heesto dilka.

Dhinaca kale duqa magaalada Garoowe, Axmed Saciid Muuse oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dilka Cabdikaafi, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka.

“Waxaa la diley Cabdikaafi Cabdixafiid oo ka tirsanaa shaqaalaha Dawladda Hoose ee Garoowe. Illaahay janadii haka waraabiyo, ehelkiina samir allaha ka siiyo. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay ciidanka amniga kala qaybqaataan sidii xogta dembiilayaasha lagu heli lahaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray duqa Garoowe.

Maalmihii dambe Puntland ayaa xoojisay howl-gallada lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee deegaanada maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii