DF Somalia oo shaacisay inay dagaal ku dishay 25 ka tirsanaa Al-Shabaab

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran Gorgor ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah ay ciidamada uga fuliyeen deegaanada Bariire iyo Tawakal, halkaas oo ay dagaal kula galeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 4-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska Gorgor oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaas ay jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab,ayna ku beegsadeen goobo ay isku uruursanayeen dagaalyahano fara badan.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dagaalka ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen ugu yaraan illaa 25 dagaalyahan iyo saraakiil kale, sida uu hadalka u dhigay.

Taliska Gorgor ayaa intaasi ku daray inuu dhaawacana intaasi kasii  badan yahay, waxayna tilmaameen in howl-galka ay sii wadi doonaan, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa xoojiyey howl-gallada ka socda gobolka Shabeelaha oo weerarada ugu badan ay kasoo abaabulaan xoogaga Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii