Farmaajo oo caawa kulan la leh 100 xildhibaan (Maxaa socda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa hadda madaxtooyada kulan kula leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaanadan ayaa Madaxweynaha kala hadlaya arrimaha doorashada dalka iyo hanaanka ay ku dhaceyso, waxayna diidanyihiin sida aan xogta ku helan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban.

Xubno ka tirsan xuldhibaanadan waxay noo sheegeen in Maadaxweynaha ay ugu tageen inuu u cadeeyo mowqifkiisa ku addan nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Xildhibaanadan ayaa ku doodaya in la fuliyo sharciga doorashooyinka dalka, isla markaana ay doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah, sida ku cad sharcigaas oo kol sii horeysay baarlamaanku ansixiyey, madaxweynuhuna saxiixay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay kulankii golaha ayaa si adag uga hor yimid go’aankii ay dhawaan isku raaceen madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku baaqay in doorashada dalka laga wadatashado, maadaama aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

“Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban. Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiye Golaha Shacabka Maxamed Mursal.