Masar iyo Somalia waxay ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow – Sidee hadda wax walba isu bedelleen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madmadow, xiisad iyo isku dhac suurtagal ah ayaa ku hareereysan mustaqbalka xiriirka Masar iyo Soomaaliya sabab la xiriirta Soomaaliya oo meel aan caddeyn ka istaagtay muranka biyo-xireenka Ethiopia iyo colaadda ka dhaxaysa Ethiopia, Masar iyo Sudan.

Soomaaliya waxay istaagtay meel dhexe xilli ay carabtu qaraar ka qaadanayeen arrinta, taasi oo keentay weerar warbaahineed oo maxalli ah iyo mid ka yimid dunida carbeed, gaar ahaan kuwa Masar oo lagu qaaday Soomaalida. Tobanaan qoraalo ka dhan ah Soomaaliya ayaa lagu daabacay twitter-ka iyo baraha kale ee bulshadda.

Baaqyo hanjabaad ah ayaa soo gaaray Soomaalida iyo dalab ah in laga tarxiili doono wadamadda Gacanka Carbeed sabab la xiriirta go’aanka Muqdisho ee dhex-dhexaadka ah oo ay ka sheegtay kulankii wasiiradda arrimaha dibadda carbeed ee ku saabsanaa Liibiya iyo biyo xireenka Ethioipia.

Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya waxa uu jiray tan iyo sanadkii 1960-kii, waxaana uu ku dhisnaa Muqdisho oo siyaasad ahaan ku tiirsanayd Qaahira. Diblomaasi reer Masar ah oo magaciisu ahaa Kamaal El-Din Saalax, kana tirsanaa ergadii Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa weli taageeradiisii midnimadda Soomaaliya looga mahad-celiyaa; waxaa diblomaasigaas shirqool ku dilay gumeystihii Talyaaniga sanadkii 1957-dii.

Si kastaba, xiriirka lama sii horumarin, Masarna dib ayey u guraneysay tan iyo markii arrinta biyo-xireenka ay soo if-baxday. Hadda waxaa loo arkaa in Soomaaliya ay la xiratay siyaasadda gobolka ee Ethiopia, oo ka faa’iidasaneysa dekedaha Soomaaliya; labada wadan waxay sidoo kale galeen heshiisyo ganacsi iyo amni.

Soomaaliya waxay u weecatay dhanka Ethiopia, taasi oo doorka Masar ee Geeska Afrika ka dhigtay mid la mid ah dalalka kale ee gobolka, kuwa carbeed iyo awoodaha dunida, ka sokoow joogitaankeedii hore ee gobolka oo Qaahira u leh bad istiraatiiji ah iyo tixgelin amni.

Masarta uu xukumo Cabdil Fitaax Al-Sisi ma ahan Masartii sanadihii hore; istiraatiijiyadeeda iyo siyaasadeeda waa ay ka duwan yihiin kuwii hore. Markii la eego xulufadii ay ku lahayd gobolka Geeska Afrika waxay u muuqataa in ay joogto meeshii ugu hooseesay. Masar, Soomaaliya kuma aysan lahayn joogitaan rasmi ah tan iyo sanadkii 2006-dii. Markii Carabta loo eego saaxiibka ugu dhow ee biyo xireenka waa Sudan, kumana wada socdaan dan carbeed oo laba geesood ah.

Hadii meesha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ku taalol ay meel muhiim ah uga jirto siyaasadda arrimaha dibadda Masar sababtu waxay tahay ilaalinteeda marinka Bab Al-Mandab oo si toos ah ula xiriira dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ku wajahan iyo kuwa ka imaanaya Kanaalka Suweys.

Dhanka kale, Ficiladda Masar waxay ka careysiiyeen Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan markii ergo ka tirsan ay wasaaradeeda arrimaha dibadda booqdeen Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ergo maamuladaas ka socota ku marti gelisay Qaahira, iyadoon wax xiriir kala sameyn Dowladda Soomaaliya.

Tani waxaa ay ka dhalatay joojintii maamuuskii iskaashiga waxbarashadda Soomaaliya iyo Masar, taasi oo sidoo kale dhameysay joogitaankii Masaarida ee caasimadda Soomaaliya.

Xaaladda murugsan ee siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada waddan waxaa uga sii daray go’aankii Soomaaliya ee ahaa in aysan taageerin qaraarkii Jaamacadda Carbeed kula safteen Masar islamarkaana uga soo horjeesteen biyo xireenka ay dhiseyso Ethiopia.

Muqdisho waxay xiriir adag la leedahay Addis Ababa, waxayna labada dhinac tir-tirayaan musiibooyinkii dagaalka ee ay maskaxda ku hayaan dad badan oo gobolka ah.  Waxaa tas qayb ka noqon doona in lasoo geba-gebeeyo farogelinta Ethiopia ee soo billaabatay 1990-kii. Siyaasadaha cusub ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho waa ina y saaxiibtinimadooda xaqiijyaan iyadoo la ilaalinayo Ethiopia.

Mid ka mid ah la-yaabka dhex-dhexaadnimada ay Soomaaliya ay sheegatay ayaa ah inay is-burinayaan hadalladeeda ku aadan biyo-xireenka. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in dalkiisa dhex-dhexaad ka yahay xiisadda, uuna raadinayo in dhex-dhexaadiyo dalka ay walaalka yihiin ee Masar iyo midka ay saaxiibka yihiin ee Itoobiya. Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee Addis-Ababa Cabdixakiim Camey ayaa ka yaabiyey warbaahinta gudaha isaga oo sheegay in Soomaaliya Itoobiya ku garab taagan tahay arrinta biyo-xireenka.

Goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ku taallo waxay soo jiidataa darteenka caalamiga ah, kan gobolka iyo midka Carabta, si la mid ah waagii hore. Turkey waa dalka ugu weyn ee saaxiibka la ah Soomaaliya, sidaas darteed haddii Masar ay dooneyso inay soo celiso joogitaankeeda Geeska Afrika, way ogtahay cidda ay loolankeeda wajaheyso. Albaabka Soomaaliya waa u furan yahay Masaarida haddii Qaahira ay dooneyso inay dib usoo nooleyso nooca xiriirkii diiranaa ee horey u jiray. Masaariida waa inay, si kastaba, garowsadaan in siyaasaddooda heerka labaad ah ay Soomaaliya ku riixeyso cayaaryahanno kale oo weyn. Juqraafi siyaasadeedka Geeska Afrika, uma dulqaadan karo marnaansho, Masarna ma ahan cidda kaliya ee isku dayeysa inay buuxiso.

Faalladana waxaa ayada oo Carabi ah wargeyska Al-Araby Al-Jadeed ku qoray Shaafici Abtidoon. Waxaa tarjumay Caasimada Online