Diidmada Gudoomiye Mursal ee doorashada oo banaanka keentay arrin laga digayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta mar uu ka hor hadlayey baarlaamanka si adag uga hor yimid go’aamadii kasoo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiye Mursal ayaa si toos ah u abaaray qoddobo kamid ahaa go’aamadii shirka madaxda maamulada dalka, kaasi oo ku qotomay doorashada, isla markaana meesha ka saarayay rabintaanka Villa Somalia ee ‘qof iyo cod’.

Mursal ayaa waxa aan la aqbali karin ku sheegay in nooc doorasho oo ka duwan midda ‘qof iyo cod ah’ ay ka qabsoomto dalka, xili aaan si buuxda loo diiwaan gelin dadkii codeyn lahaa.

“Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban, Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa u muuqda mid sii xoojinaya rabitaanka VILLA SOMALIA oo iyadu hore u sheegtay inay dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, oo horseedaysa muddo kordhin, halka Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamuladu isku raaceen in dalka ka dhacdo doorasho aan muddo dhaafin.

Haddaba, Sidee xiligan ay ku suurto-gali karin Doorasho qof iyo cod ah?

Doorashada ‘qof iyo cod’ ee dastuurku dhigayo ayaa ah mid ay codeynayaan dad hore loo diiwaan-geliyay, isla markaana ay cadahay tiradoodu, halka aysan ilaa hadda jirin qorshe arrinkaasi la xiriira oo ay bilaabeen guddiga doorashooyinku.

Tirakoob iyo diiwaan-gelin xiligan laga bilaabo dalka ayaa horseed u noqoneysa muddo dhaaf ku yimaada xiliga ay doorashadu qabsoomi laheyd, taasi oo keenaysa muddo dheeri ah oo ay si adag uga digeen saamileyda siyaasadu.

Dastuurka dalka ayey si cad uga hor imaneysa inay codeeyan dad aan diiwaan gashaneyn, maadama aan hore looga diyaar garoobin arrinka tarakoobkaasi iyo midka amnigaba, waana sababta la rumeysan yahay in nooc doorasho oo heshiis lagu yahay ay dalka ka qabsoomto.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan shir uga furmayo magaalada Dhuusamareeb madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kuwaasi oo ka wada-hadli doona arrimaha doorashooyinka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.