Daawo: Mursal oo weerar ku qaaday Mahad Cawad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta shir guddoominayey kulankii golaha ayaa si adag uga hadlay safarka uu ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ku joogo deegaanada Galmudug.

Guddoomiye Mursal ayaa carabka ku adkeeyey in Mahad Cawad uusan guddoonka golaha shacabka ku metelin socdaalka uu ugu baxay Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb oo uu shalay raacay wafdigii Ra’iisul wasaaraha.

Mursal ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas ay iska arkeen isaga iyo guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, aadna ay ula fajaceen safarkiisa iyo sida uu ku baxay.

“Aniga iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad xalay fajacey nagu noqotay in guddoomiye ku xigeenka labaad uu halkaas aado, weliba sawirrada laga soo qaaday markaa fiirisaan, nama qabato anaga in guddoomiyaha baarlamaanka uu xukuumadda daba socdo” ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Kala sareynta hey’adaha dowladda waa la yaqaanaa, madaxweynaha waxaa ku xiga guddoonka golaha shacabka, marka saaxiibkeen danihiisa ayuu aaday.”

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada golaha shacabka kula dardaarmay inay nidaamka ilaaliyaan, “Kuma qasbanid diyaarad kasta in aad raacdo, sababtoo ah waxaad xambaarsantahay karaamadii golaha aad ka tirsantahay” ayuu yiri.

“Xubin anaga naga mid ah meel aan munaasab aheyn markey kasoo muuqato il-haano ayey nagu tahay, marka waan ku celineynaa Mahad Cabdalla Cawad nama metelo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal.

Hoos ka Daawo