Xiisada Masar iyo Itoobiya ee webiga Nile oo ka dartay iyo wararkii ugu dambeeyay

Cape-Town (Caasimada Online) – Xiisadii ka dhalatay webiga Nile-ka ayaa markale ka dartay, kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday wada-hadallo lagu rabay in heshiis lagaga gaaro qul-qulka biyaha webiga ee biyo xireenka ay ka dhistay dowladda Itoobiya.

Dalalka Sudan, Masar iyo Itoobiya ayaa gebi ahaan ku guul-dareystay inay heshiis kama dambeys ah ka gaaran xiisadaasi, xili ay muddooynkii dambe ay socdeen wada-hadalo uu marti-gelinayey ururka Midowga Afrika.

Wada-hadalladaasi oo lagu rabay in lagu soo af-meero xiisada dabada dheeratay ee Nile-ka ayaa wax natiijo ka ah dhalin, iyada oo uu Midowga Afrika uu  laba toddobaad ka hor billaabay dadaallada dhex-dhexaadinta.

Masar ayaa walaac xoogan ka qabta biyo xireenka Itoobiya oo iyadu rabta inay awood koronto uga faa’iideysato, halka dowladda Al-Sisi ee Masar ay ka war-warsan tahay saameynta biyaheed oo ay ku tiirsan-yihiin dadkeed oo lagu qiyaaso 100-milyan.

Itoobiya iyo Masar ayaa soo kala saaray hadalo muujinaya heerka fashil ee dhex-dhexaadintaasi, iyada oo dowlda Itoobiya ay sheegtay in dalabaad tiro badan ay soo jeediyeen Masar iyo Suudaan oo xiisada Nile-ku kala dhaxeyso.

Dalabaadkaasi ayey Itoobiya ku sheegtay kuwo hortaagan oo fashil u horseedaya wada-hadallada saddex geesoodka ah, sida lagu yiri qoral kasoo baxay Wasaarada biyaha iyo tamarta Itoobiya.

Masar ayaa iyadu laftigeedu qabta in warbixinada ku aadan wada-hadalladaasi loo gudbiyo madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa oo ah dhex-dhexaadiyaha wada-hadalladaasi, isla markaana ah hogaamiyaha Midowga Afrika.

Xiisada Nile-ka ee saddex geesoodka ah ayaa u muuqata mid si xoogan uga dhex aloosan dowladdaha Masar iyo Itoobiya, oo iyagu dhowr jeer iskugu hanjabay dagaal.