Xog: Khilaafka Muuse Suudi iyo Ugaas Maxamuud oo ka daray kadib tallaabo uu qaaday Xaaji Muuse

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamanka ayaa shalay diiday ka qeybgalka shir la doonayay in lagu xaliyo khilaaf soo kala dhaxgalay hoggaanka dhaqanka Mudullood iyo siyaasiinta qaar ee uu qeyb ka yahay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Gogashaan oo ka dhacday guriga Ugaaska ayuu Senator Muuse sheegay in uusan tagi doonin guriga Ugaas Maxamuud Cali Ugaas isagoo ku tilmaamay “basaas u shaqeeya” Farmaajo,  islamarkaana doonaya inuu curyaamiyo shirka Mudullood.

Siyaasiin ka tirsan Mudullood iyo dhaqanka qaarkood ayaa wada dadaalo lagu xalinayo tabashadii keentay in shirka baaqdo kadib hadallo u badnaa gaf oo dhaxmaray Senator Muuse iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas kadib markii lagu baaqay in arrintaan si deg deg ah loo xaliyo.

Casuumado la sheegay in si qaldan loo bixiyay iyo war-murtiyeedka shirka oo la badalay ayaa sabab u noqday in shirka baaqashadiisa lagu dhawaaqo saqdii dhexe ee 12-kii bishaan, iyadoo ay aheyd inuu furmo 13-ka bisha.

Inkastoo uu maalmo dib u dhacay shirkan, haddane waxaa muuqata in ay socdaan dadaalo xoog leh oo ku wajahan qabsoomidda shirka. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in shirkaan ay ku bixineyso kumanaan lacag ah si loo baajiyo.

Khilaafka Ugaaska iyo Muuse Suudi ayaa imanaya ayada oo dad badan oo beesha ka mid ah ay tuhunsan yihiin in Imaamka iyo Ugaaska Mudullood ay labadaba ku xiran yihiin Villa Somalia, islamarkaana aysan qaadan karin go’aanno aysan raali ka ahayn.