Nin Soomaali ah oo weerar dhimasho leh ka gaystay dalka Norway (Faah-faahin)

Oslo (Caasimadda Online) – Nin Soomaali ah oo ku sugan magaalo 90km u jirta magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa middi ku weeraray 3 dumar ah oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin, halka midda saddexaadna ay caddaan ahayd.

Warbixin booliisku soo saaray hal saac kadib weerarka ayaa lagu sheegay in haweenaydii caddaanka ahayd ay dhaawicii gaaray ay u dhimatay, halka labadii Soomaalida ahaana ay midkood xaaladeedu liidato.

Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay la xiray. Weli ma cadda sababta weerarka hogaamisay, hase yeeshee qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo maskaxda ka xanuunsanaa.

Wargeyska maxaliga ah ee Sarpsborg Arbeiderblad ayaa wareystay seyga mid ka mid ah haweenka dhibta loo geystay wuxuuna sheegay in qofka dhibka geystay uu gurigooda ugu yimid.

“Inagoo daawaneysa TV, ayuu qof albaabka soo garaacay, markaan ka furay wuxuu damcay inuu i tooreeyo, balse waan ka cararay,” ayuu u sheegay wargeyska.

Sida warbixinta lagu sheegay haweeneyda oo gudaha guriga ku jirta ayuu dhibaato weyn ka gaarsiiyay gacanta sida la sheegay.