MURSAL oo ku dhowaaqay go’aan culus: “Marnaba ma aqbaleyno doorasho dadban”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si adag uga hor yimid go’aamadii kasoo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa jogaay kulanka ay Baarlamaanka uga hadlayeen maanta Akhrinta labaad ee dib u eegista sharciga xisbiyada dalka, wuxuuna ka dhawaajiyay ineysan aheyn wax la aqbali karo in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban.

Gudoomiye Mursal wuxuu xildhibaanada u sheegay in Maamul Goboleedyada aysan xaq u laheyn iney go’aan ka gaaraan jihada loo marayo doorashada dalka, taa badalkeeda ay iyagu masuul ka yahiin wax walba.

“Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban, Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Gudoomiye Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee golaha shacabka oo ku sugan Dhuusamareeb uusan matalin Baarlamaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb,” ayuu yiri xilli wajigiisa laga dheeha karay carada uu ka qaaday safarka Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ee Dhuusamareeb.

Shirka Dhuusamareeb dhawaan ka dhacay waxaa la isla gartay in dalka galo doorasho dadban, tiiyoo ay jirto in Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha lagu casuumay.

Xasan Cali Kheyre ayaa goor hore tagay Galmudug halkaas oo uu kaga sii gudbay Garowe, halka madaxweyne Farmaajo la filayo inuu wakhtiyada soo aadan gaaro halkaas.