Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saacadaha soo socda waxa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu wadaa inay gaaraan wafdi hordhac u ah madaxweyne Farmaajo, kaasi oo dhawaan safar ku tagaya magaaladaasi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn looga dareemaya qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo, xili ay maanta tagi doonaan wafdigaasi hordhaca u ah madaxweynaha, kuwaasi oo ay kamid yihiin ciidamada ilaalada u ah.

Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, xili ay ku sugan yihiin Kheyre iyo xubno sarre oo maamulada dalka ah, kuwaasi oo hore shirar ugu socdeen.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa iyaguna shalay tagay magaalada Dhuusamareeb, isagoona kulamo gooni-gooni ah la yeeshay madaxda maamulada dalka, ka hor inta aysan maanta u safrin Garoowe.

Kulamada Kheyre ayaa ahaa kuwo loogu gogol xaadhayo shirka lagu wado inuu dhawaan dhex-maro dowladda federaalka iyo maamulada dalka, kaasi oo qeyb ka ahaa war-murtiyeed ay soo saareen madaxda maamuladu.

Madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ayaa ka wada-hadli doona arrimaha doorashooyinka oo xiligan taagan iyo sidii ay xiligeeda ugu qabsoomi laheyd, isla markaana looga baaqsan lahaa muddo kordhin.

Shirkaasi ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka dhaco magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la go’aamin doono marka Madaxda maamul goboleedyadu ay kasoo laabtaan Aaska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo ay u tageen magaalada Garoowe.