Dameer lagu eedeeyey shilkii diyaaradeed ee Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa isa soo soo taraya macluumaadka laga helayo waxa sababay diyaaraddii shalay gelinkii dambe ku burburtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Diyaaradda oo aheyd nooca qaada xamuulka ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Beledweyne, kadibna ku gubatay halkaasi.

Maareeyaha guud ee diyaaradda burburtay oo lagu magacaabo Kabtan Xuseen Maxamed oo u warramay shabakadda Kenyans.co.ke ayaa shaaciyey in shilkaasi uu sababay Dameer soo galay dhabaha, xilli ay soo dageysay diyaaraddaasi.

Kabtanka ayaa carabka ku dhuftay in Dameerka ay ku dhaceen, kadibna ay sidaasi diyaaradda uga baxday dhabaha loogu talaglay inay ku orodo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la bad-baadiyey dhammaan shaqaalihii saarnaa diyaaradda oo uu tilmaamay inay ka soo duushay dalka Jabuuti.

“Diyaaradda waxay aroortii hore ka soo baxday Jabuuti, iyadoo soo dageysa waxaa dhabaha cagadhigashada soo maray Dameer oo ay ku dhaceen, taas waxay sababtay in ay dhabaha ka leexdaan, balse dhamaan shaqaalihii la socday waa ay caafimaad-qabaan”. ayuu yiri Kabtan Xuseen Maxamed oo ah maareeyaha diyaaradda burburtay.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in diyaaraddu ay sidday raashin loogu tala-galay ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in shaqaalaha la bad-baadiyey ay Muqdisho u soo qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay lagu guul dareystay in la damiyo dabka ka kacay diyaaradda, sababo la xiriira garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo aan la heyn gaadiidka dab damiska iyo sidoo kale shaqaale heegan ah.