GALMUDUG oo faah-faahin cusub ka bixisay SAFARKA Farmaajo ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Shire Maxamed oo loo yaqaano (Falagle) oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey safarka la filayo inuu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ku gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud.

Falagle ayaa sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto deegaanada Galmudug, gaar ahaan gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa xusay in madaxweynaha uu ka qeyb-galayo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo uu tilmaamay inuu furmi doono marka laga soo laabto aaska ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ka dhacaya Garoowe.

Ma shaacin wasiirka warfaafinta Galmudug waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo shirka, balse wuxuu carabka ku dhuftay inuu dhici doono waqtiga ugu dhow.

Ammaanka ayuu sidoo kale sheegay in aad loo adkeeyey, islamarkaana ay u diyaar xoogan wadaan ciidamada ammaanka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Shirka Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021.