Xaliima Yarey oo ka jawaabi weysay su’aal aad u adag oo uu Haaruun Macruuf ka weydiiyey xeerka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), oo wax laga weydiiyey sida ay ka yeelayaan ku dhaqanka afarta xeer ee ku jira sharciga doorashooyinka, ayaa ka meer-meertay inay haba yaraatee ka jawaabto.

Afartaas xeer oo kala ah, qoondada haweenka, metelaada Banaadir, asteynta kuraasta gobollada waqooyi iyo deegaameynta kuraasta golaha shacabka, isla markaana ku jira sharciga doorashooyinka ayey ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka, waxaana hareeyey muran badan.

Muranka ugu weyn ayaa ka taagan in guddoonka golaha shacabka uu xeerarkaas ka saaray inay maraan Aqalka Sare, si uu isna u ansixiyo iyo inay maraan saxiix Madaxweyne, tallaabadaasna guddoonka Aqalka Sare waxa uu ku tilmaamay sharci darro, isagoo uga digey guddiga doorashooyinka inay adeegsadaan xeerarkaas.

Xaliimo Yarey oo la hadleysay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA, waxaa la weydiiyey suurta galnimada inay isticmaalaan xeerarkaas oo aan soo marin ansixinta Aqalka Sare, waxayna gabi ahaanba ka jawaabi weysay, waxayna ku andacootay in aysan ayada ku habooneyn in la weydiiyo su’aalahaas.

Waxay ku cel-celisay in aysan ku shaqeyn doonin wax uusan sharcigu qabin, balse waxay cadeyn weysay shirci ahaan-shaha damaca golaha shacabka ee ah in xeerarkan afarta ah ay ku dhaqan galaan ansixintooda oo kaliya.

Siyaasiyiin badan ayaa horay u sheegay in go’aanka guddoonka golaha shacabka ee ah in xeerarkaas afarta ah aysan marin ansixinta Aqalka Sare iyo saxiix madaxweyne, ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, halka guddoomiye Xaliima Yarey-na lagu xagliyo inay u janjeerto ku shaqeynta damaca Villa Somalia.

Hoos ka dhageyso wareysiga