Soomaali ku xayirneyd dalka dibediisa oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kusoo wajahan Muwaadiniin badan oo ku xayirnaa dalka Suudaan, gaar ahaa magaalada Khartoum.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo tiradoodu dhantahay 112-qof ayaa waxay kasoo ambabixi doonaan dalkaasi, iyaga oo muddo ugu xayirnaa xanibaadaha ka dhashay cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Muwaadiniintaasi ayey u suurto-gashay safarkooda maanta kadib markii muddo ay kasoo shaqeynayeen Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Sudan.

Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi ayaa sheegtay in dadaal dheer kadib ay ku guuleysteen in dadkaasi ay kasoo ambabaxaan dalkaasi, iyaga oo dib ugu soo noqonya dalkooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka dibediisa, kuwaasi oo uu xayirnaa sababo la xiriira cudurka Covid-19.